Duqeyn Ka Dhacday Koofurta Soomaaliya Oo Lagu Dilay 13 Katirsan Xagjirka Al...

Duqeyn Ka Dhacday Koofurta Soomaaliya Oo Lagu Dilay 13 Katirsan Xagjirka Al Shabaab

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Howlgalka dowladda Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa waxa ay sheegeen in ay fuliyeen duqeymo ka dhacay Koonfurta Soomaaliya, islamarkaana ay ku beegsadeen Maleeshiyaad ka tirsan kooxda xagjirka Al-Shabaab.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska AFRICOMĀ  ayaa lagu xustay in howlgalkaasi oo ay ka qeyb ahaayeen ciidamada sidda gaarka ah u tababaran ee Danab ee dowladda Soomaaliya. iyadoo kahor inta aan howlgalka la fulin lala socodsiiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

AFRICOM waxa ay sheegeen duqeyntaasi oo dhacday Subaxnimadii Axadda aheyd, ay la beegsadeen xubno muhiim ah oo ka tirsan Al-Shabaab kadib markii ay xogjooda heleen.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in duqeyntaasi ay ku dishay 13 xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ay si wadi doonaan duqeynta dagaalyahanada Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY