Daawo Barnaamijka Samawade Kala Shaki Xooggan Oo Soo Kala Dhexgalay Horjoogeyaasha Xagjirka...

Daawo Barnaamijka Samawade Kala Shaki Xooggan Oo Soo Kala Dhexgalay Horjoogeyaasha Xagjirka Al Shabaab

SHARE

Baladweyne,(Samawade.so):- Barnaamijka Samawade oo idinka imaanaya magaalada Baladweyne ee Gobalka Hiiraan waxaan uga hadlidoonaa howlgalka ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Duqeymaha dhinaca cirka ah ee lagu bartilmaameydsanayo saldhigyada iyo goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan Horjoogeyaasha Sarsare ee xagjirka Al Shabaab iyo Saameynta ay ku yeelatay kooxda dhexdooda.

Kala shakiga iyo is aamin darrada ayaa ku sii dhex xoogeysatay kooxda dhexdeeda, waxaana taasi sabab u ah markii la bartilmaameedsaday horjoogeyaal iyo saldhigyo cusub oo ay kooxdu dhawaan ka hirgalisay gobalka hiiraan kadib duqeymo isdabajoog ah oo ay uga soo baxsadeen gobalka Shabeellaha Hoose.

Barnaamijka Waxaa Marti ku ah saraakiil ka tirsan Qeybta 21_aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo kala ah Garsoore Maxamed Amiin iyo Garsoore Samoow oo labaduba katirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sidda ee Gobalka Hiiraan.

Daawasho Wacan.

https://www.youtube.com/watch?v=kSJe_l4QHdY&feature=youtu.be&a=

 

LEAVE A REPLY