Faahfaahin Al Shabaab Oo Xukun Gacan Goyn Ah Ku Fuliyay Wiil 19...

Faahfaahin Al Shabaab Oo Xukun Gacan Goyn Ah Ku Fuliyay Wiil 19 Jir Ah

SHARE

Kuunya-Barrow,(Samawade.so):-Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Kooxda Xagjirka Al-Shabaab ay deegaanka Kuunya Barrow ay gacanta uga jareen wiil 19-jir ah oo lagu soo eedeeyay inuu lacag xaday.

Maxkamadda ay leeyihiin kooxda xagjirka Al-Shabaab ayaa Cabdifataax Xismaan Axmed ku soo oogtay dacwad la xiriirta in uu xaday lacag doolar ah oo cadadkeedu yahay $5000 iyo Computer, balse Cabdifataax ayaa diiday eeddaas isagoo sheegay in uu beri ka yahay xatooyada lagu soo eedeeyay.

Ehelada Cabdifataax Cismaan Axmed oo aan la hadlnay ayaa noo sheegay in 10 maalin kahor markii wiilkooda ay waayeen nolo iyo geeri halka uu suganyahay ay maanta ku baraarugeen markii ay arkeen isagoo gacmaha ka xiran, ayana kamid ahaayeen dadweynaha magaalada oo ay Al Shabaab isugu yeereen in ay isugu yimaadaan fagaaraha degmada si ay u daawadaan xukun ay fulin doonaan.

“gawaari sameecado ay dusha uga xiranyihiin ayaa saakay ku wareegayay degmada, waxay dadka amar ku siinayeen in ay fagaaraha yimaadaan caruurta, haweenka, dhallinyarada iyo doqowda, halkaasna fulin xukun uu ka dhici doono, markii aan galabta fagaarihii gaarnay ayaa la keenay Cabdifataax oo garbaduub u xiray, waan walwalay, waxaan xaqiiqsaday in maanta la dili doono, lkn waxaa goobta laga aqriyay xakun aan cadaalad aheyn oo ah in gacanta Midig laga jarayo Cabdifataax, halkaas ayaana horteena gacanta looga jaray, isagoon waalid iyo walaal midna kala socon dambiga loo heysto” sidaasi waxaa Samawade.so u sheegay midkamid ah ehelka Cabdifataax oo magaciisa aan u qarinay samabo amnigiisa la xiriira.

Xagjirka Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore xukuno isugu jira gacan goyn, dilal iyo xabsi ku fulisay rag iyo dumar lagu soo eedeeyay dambiyo kala duwan, waxaana dadka xukunkada lagu fuliyo la sheegaa in aanay helin wax Qarreeno ah.

LEAVE A REPLY