Duqeyn Lagu Burburiyay Saldhig Xagjirka Al Shabaab Ay Ku Lahaayeen Gobalka Hiiraan

Duqeyn Lagu Burburiyay Saldhig Xagjirka Al Shabaab Ay Ku Lahaayeen Gobalka Hiiraan

SHARE

Baladweyne,(Samawade.so):-Wararka ka imaanaya degmada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in duqeyn lagu bartilmaamedsaday  Saldhig maleeshiyada Al-Shabaab ay ku lahaa deegaan lagu magacaabo Wardiinle, kaasi oo ka dhashay qasaare naf iyo maalba leh.

Duqeynta ayaa ka dhacday meel ku dhow degmada Buula-Burte oo lagu magacaabo Wardhiinle. Saraakiisha dowladda Soomaaliya ee gobolka ayaa aamisan in duqeynta lagu bartimaameedsaday Saldhig Cusub oo degaanka ay Alshabab ka sameysteen.

Duqeymaha ayaa ka dambeeyay markii dhagar qabayaasha Al-Shabaab iyo horjoogayaashooda lagu dilay dhowr duqeyn oo ka dhacay Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Jubbooyinka, taasi oo keentay inay firxadkooda ay u soo baxsadaan deegaanno hoosyimaada Gobolka Hiiraan.

Diyaaradaha aan cidi wadin ee Drones-ka loo yaqaan ayaa ah kuwa Mareykanku uu u adeegsado bartilmaameedyada kooxaha argagixisada ah ee ku dhuumaaleysanaya qeybo ka mid ah Gobollada dalka.

LEAVE A REPLY