Ciidamada Dowladda Oo Xagjirka Al Shabaab Kala Wareegay Deegaano Hoosyimaada Beer-Hakaba

Ciidamada Dowladda Oo Xagjirka Al Shabaab Kala Wareegay Deegaano Hoosyimaada Beer-Hakaba

SHARE

Baydhabo,(Samawade.so):-Wararka ka imaanaya degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Maleeshiyaadka Xagjirka Al-Shabaab uu ka dhacay deegaano hoos-yimaada degmada Buurhakaba.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalka oo ahaa mid aad u culus oo saacado badan socday, iyadoo ciidamada dowladda ay ugu dambeyn u suura gashay in Al-Shabaab ay  kala wareegaan deegaano hoos-yimaada Degmada Buurhakaba ee gobalka Baay.

Guddoomiyaha degmada Buurhakaba Maxamed Ibraahim Nuur ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa koofur galbeed ay iyagoo nabad qaba dib u soo laabteen, kaddib markii ay soo bur buriyeen saldhigyo ay lahaayeen Xagjirka Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa uu xusay inay sii wadayaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si ay uga xoreeyaan deegaanada ku dhow dhow Buurhakaba oo uu sheegay inay dhibaatooyin ka wadaan dadka shacabka ahna ay ku hayaan baad iyo hanjabaad joogto ah oo ay ku baneysanayaa dhiiggooda iyo maalkooda.

Guddoomiyaha Buurhakaba ayaa sheegay intii howl galka ay wadeen ciidamada ay soo furteen saanad ciidan.

Al-Shabaab ayaa cunaqabateeyay isu-socodka degmada Buur-hakaba iyagoo jaray waddooyinkii soo galayay degmada, gaar ahaan inta u dhaxeysa Buurhakaba iyo Baydhabo.

LEAVE A REPLY