Xagjirka Al Shabaab Oo Dab Qabadsiiyay Gaadiid Siday Shixnad Raashin ah

Xagjirka Al Shabaab Oo Dab Qabadsiiyay Gaadiid Siday Shixnad Raashin ah

SHARE

Baladweyne,(samawade.so):-Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay dab qabadsiiyeen gawaari badeeco ganacsi siday oo ku sii jeeday gobolada Bay, Bakool iyo deegaano ka tirsan ismaamul Soomaalida Itoobiya.

Sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA kooxda Xagjirka Al-Shabaab ayaa deegaanka Maroodille oo 25KM u jira magaalada Beledweyne ku gubay illaa lix gaari oo siday badeeco, kuwaasoo u rarnaa Ganacsato.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay gawaarida u adeegsatay qoriga baasuukaha iyo basiin, si ay u gubaan dhamaan 6-da gaari iyo badeecadda saarnayd.

Dhinaca kale Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka ayaa ku baxay deegaanka ay Al-Shabaab ku gubeen gawaarida siday shixnada ganacsi.

Al-Shabaab oo sanado ka hor go’doomiyay deegaano ka tirsan Gobolada Koofurta iyo bartamaha ayaa dhowr jeer gubay gawaari raashin iyo badeeco kala duwan siday oo ku sii jeeday deegaanada horay loogala wareegay.

LEAVE A REPLY