Kooxda Xagjirka Al Shabaab Oo Qarax Ku Dilay Suxufi Soomaaliyeed

Kooxda Xagjirka Al Shabaab Oo Qarax Ku Dilay Suxufi Soomaaliyeed

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Wariye u shaqeynayay Telefishinka Kalsan ayaa galabta lagu dilay qarax loogu xiray gaarigiisa, xilli uu ku sugnaa degmada Wadajir ee gobalka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa miinada nuuca Bir-qabatada leh ayaa qeybta hoose ee kursiga darawalka loogu dhajiyay, kaddibna la qarxiyay, sida warbaahinta Samawade.so uu u xaqiijiyay taliyaha Booliska Gobalka Banaadir Jen Axmed Xasan Maalin.

Wariyaha oo lagu magacaabi jiray Maxamed Ibraahim Gaabow ayaa ka mid ahaa Wariyeyaasha ka howl galayay magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in xilliga qaraxa uu dhacayay ay gaariga la saarnaayeen carruur yar oo uu dhalay saaxibkiis oo saarnaa qeybta dambe ee gaariga, balse aanay waxba soo gaarin.

Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta uu ka dhacay qaraxa oo aheyd kawaanka malayga degmada Wadajir.

Marxuum Maxamed Ibraahim Gaaboow ayaa dhawaan kasoo laabtay dalka Ugandha halkaas oo uu kusoo dhameystay Waxbarashada heerka koowaad ee jaamacadda, balse maanta ayuu ku ekaa waqtigii uu Alle uga qadaray nolosha adduunyada.

Miinada nuuca Magnada ee qeybta hoose darawalka gaariga lagu dhejiyo ayaa ka mid noqotay aaladaha bartilmaameedka ee dadka lagu khaarijiyo, waxaana horay loogu dilay Wariyeyaal, mas’uuliyiin iyo dad kale.

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.

LEAVE A REPLY