Qaramada Midoobe Oo Soo Saartay Tirada Dadka Lagu Dilay Soomaaliya

Qaramada Midoobe Oo Soo Saartay Tirada Dadka Lagu Dilay Soomaaliya

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Colaadda hubaysan ee Soomaaliya ayaa weli khasaare culus u geysata dadka rayidka, burburisa kaabayaasha iyo qaab-nololeedka, barakicisa malaayiin dad ah, kana horistaagta bulshada u baahan inay gargaarka bani’aadanimo, warbixin ay Qaramada Midoobay faafisay maalintii Axadda ayaa sidaa sheegtay.

Warbixinta oo lagu magacaabay “Ilaalinta Dadka Rayidka: Dhisidda Asaaska Nabadda, Amniga iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, ayna soo saareen Xafiiska Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay iyo Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) waxay ka hadlaysaa muddada ka billaabata 1da Janaayo 2016 ilaa 14ka Oktoobar 2017.

Intii muddadan lagu jiray, UNSOM waxay diiwaangelisay tiro gaareysa 2,078 oo ah dhimasho dad rayid ah iyo 2,507 oo dhaawacyo ah. In ka badan kala bar khasaaraha (boqolkiiba 60) waxaa loo aaneeyay maleeshiyaadka Al-Shabaab, boqolkiiba 13 waxaa loo aaneeyay maleeshiyo beeleedyo, boqolkiiba 11 waxaa loo aaneeyay dhinacyada xoogagga Dowladda, oo ka midyihiin ciidamada milleteriga iyo booliska, boqolkiiba afar waxaa loo aaneeyay Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), boqolkiiba 12 na waxaa loo aaneeyay dad weerarro geystay oo aan la aqoonsanin ama aan la xaddidin.

“Ugu dambeyntii, khasaaraha ka dhasha guuldarrada lagu fashilmay in colaadaha Soomaaliya lagu xalliyo hab siyaasadeed wuxuu ku dhacayaa dadka rayidka ah,” ayuu yiri madaxa UNSOM, ahna Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating. “Dhinacyada colaadda isku haya iyana marna wax ku filan ma sameynayaan si dadka rayidka looga ilaaliyo colaadda. Tani waa arrin ceeb ah.”

Dadka rayidka ah ayaa ahaa dhibbanayaal ay kooxo aan Dowladda ahayn u geysteen weerarro sharci darro ah – iyagoo si toos ah loo beegsanayo loona adeegsanayo bambooying aan loo meeldayin iyo weerarro ismiidaamin ah. Inta badan weerarradaas, oo uu mamnuucayo sharciga caalamiga ee xuquuqul insaanka iyo sharciga caalamiga ee xilliyada dagaalka, waxay u badantahay inay noqdaan dembiyo dadgaal, waxaana waajib ah in la aqoonsado kuwa geysta lalana xisaabtamo, ayay tiri warbixintu.

Dhacdadii ugu xumayd ee hal maalin dhacda waxay ahayd qaraxyadii mataanaha ahaa ee ka dhacay caasimadda Soomaaliya, Muqdisho, 14kii bishii Oktoobar, ee ay saraakiisha dowladda Soomaaliyeed u aaneeyeen Al-Shabaab, ee tan iyo 1dii Diisembar si rasmi ah loo diiwaangeliyay inay ku dhinteen ugu yaraan 512 qof, iyo 316 qof oo ku dhaacantay.

“Falkan waxashnimada ah wuxuu ahaa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee loo adeegsaday walxaha qarxa ee macmalka ah (IED) ee ka dhaca taariikhda Soomaaliya, wuxuuna dhab ahaantii ahaa mid ka mid ah kuwii ugu xumaa ee weligeed ka dhaca qaaradda Afrika, hadduusan ahaynba adduunka oo dhan,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Michael Keating. “Waxaa ayaan darra ah in saameynta uu weerarku reebay la dareemi doono waqti aad u dheer.”

In badan oo ka mid ah tirada khasaaraha la diiwaangeliyay ee dadka rayidka ah – 251 oo la dilay iyo 343 oo dhaawacantay – ayaa loo aaneynayaa maleeshiyo beeleedyo, oo jooga goobo ay inta badan ciidamada amniga dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyadu ka maqanyihiin. “Abaaruhu waxay kordhiyeen colaad beeleedyada taasoo sabab u ah iyagoo isku haya oo ku hardamaya kheyraadka. Colaadahan waxaa ka faa’iideysta kooxaha dowladda ka soo horjeeda si ay u sii kordhiyaan xasillooni darrada goobahaas, hoos u dhigaan rajada laga qabo nabad waarta, una wiiqaan ilaalinta dadka rayidka ah,” ayay caddeysay warbixintu.

Warbixintu waxay sii sheegeysaa in inkastoo tirada khasaaraha loo aaneynayo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed iyo Booliska, iyo weliba AMISOM, ay aad uga yarayd tirada khasaaraha loo aaneynayo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

“Haddana, khasaarahaas waxay leeyihiin walaac aad u weyn, maxaa yeelay waxay wiiqayaan kalsoonida ay dadka Soomaaliyeed ku qabaan Dowladda iyo beesha caalamka, taasoo Iyana ballaarinaysa goobaha ay kooxaha dowladda ka soo horjeeda ku sii wadaan hawlgalladooda,” ayuu yiri Ergeyga Sare ee Xuquuqul Insaanka, Zeyd Racad Al Xuseen.

“Iyadoo ay adagtahay in la isku dheellitiro xuquuqul insaanka iyo amniga, haddana xushmeynta xuquuqda aadanaha iyo ilaalinta dadka rayidka ayaa ah lagama maarmaan sida asaaska Dowlad xoog leh oo sharci ah ee u shaqeysa danaha dhammaan dadkeeda,” ayuu yiri.

Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa si joogto ah iskaga indha-tirta sharciga caalamiga ah ee xuquuqul insaanka marka ay fulinayso hawlo soo qabasho iyo xabsi-gelin ah, sida ay sheegeyso warbixintu, oo intaa raacinaysa in wariyeyaasha iyo dadka looga shakiyo inay Al Shabaab ka tirsanyihiin inta badan xabsi la dhigo iga oo aan dacwad lagu soo oogin.

Warbixintu waxay tilmaameysaa in xogta ku saabsan dadka ku nool goobaha ay haystaan Al Shabaab ay tahay mid aad u kooban. In la hubiyo xadgudubyada iyo tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka ee ka dhaca goobahaas ayaa weli ah kuwo aad u adag waxaana loo aaneeyaa inaan la geli karin goobahaas iyo cabsi laga qabo aargoosi.

Colaadda ayaa saameyn dheeraad ah ku yeelatay carruurta, kana dhigtay kuwo la kulma “xadgudubyo ba’an xilliyada ay socdaan hawlgallada ciidan, waxaana xadgudubyadaas ka mid ah dil, dhaawicid iyo xarig iyo xabsi gelin au u geystaan ciidamada amniga Soomaaliyeed,” ayay sheegtay warbixintu. Waxaa intaa sii dheer, warbixinno sheegaya in qorista caruurta la askareynayo ay aad u korortay. Intii lagu jirey 10kii bilood ee ugu horreysay sannadka 2017, tiro kiisas dhan 3,335 oo ah carruur ciidan laga qortay ayaa la soo tebiyay –  boqolkiiba 71.5 waxaa loo aaneynayaa Al Shabaab, boqolkiiba 14.6 waxaa loo aaneynayaa maleeshiyo beeleedyo, halka boqolkiiba 7.4 loo aaneynayo Ciidanka Xoogga Dalka.

Sida uu qabo sharciga caalamiga ah ee xilliyada colaadaha, mas’uuliyadda koowaad ee badbaadinta dadka rayidka ah waxay saarantahay dhinacyada colaadda ku lug leh iyo hay’adaha Soomaaliyeed. Sida laga soo xigtay UNSOM, iyadoo xoogaa horumar wanaagsan la gaaray, haddana waxaa weli dhimman hawl badan oo ay tahay in la qabto si loo xaqiijiyo heer waafi ah oo ah badbaadinta dadka rayidka ah.

Hawlgalka Qaramada Midoobay ayaa fuilnta heshiiska Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka – ee bishii Abriil ee sannadkan wada gaareen Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah – u arka tallaabo udub-dhexaad u ah xaqiijinta dib-u-habayn waarta ee hay’daha amniga. Heshiisku wuxuu fursad u yahay xaqiijinta in hay’ado amni oo ay dadka Soomaaliyeed horsed ka yihiin ay noqdaan hay’ado lala xisaabtami karo oo badbaadin kara muwaadiniinta si waafaqsan sharciga caalamiga ah ee xuquuqul insaanka iyo sharciga caalamiga ah ee xilliyada colaadaha, iyagoo taageero joogta ah ka helaya Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka.

Talooyinka ay warbixintu soo jeedinayso waxaa ka mid ah in dhinacyada qaybta ka ah colaadaha lagu boorriyo inay qaadaan dhammaan tallaabooyinka suurtagalka ah ee lagu badbaadinayo dadka rayidka ah iyo hantidooda iyadoo loo marayo in la soo afjaro adeegsiga dhammaan Walxaha Qarxa ee Macmalka ah, iyo in la joojiyo duqeynta loo adeegsado hoobiyeyaasha, gantaalaha iyo bambaanooyinka laga soo tuuro, laguna tuuro goobaha ay deganyihiin dadka rayidka ah. Warbixintu waxay sidoo kale ku baaqaysaa in dhammaan kooxaha hubeysan iyo maleeshiyaadka aan sharciga ahayn la kala diro.

Waxaa intaas dheer in warbixintu ay ugu baaqayso AMISOM inay xoojiso tallaabooyinka isla-xisaabtanka ee ku aaddan dhacdooyinka ku lugta leh dadka rayidka ah, iyagoo sameynaya baaritaanno wax ku ool ah iyo hab-marin sharci/garsoor oo lagu sameeyo eedeymaha halista ah ee loo tiiriyo AMISOM iyo ciidamada kale ee caalamiga ah, in dembiilayaasha lala xisaabtamo oo sharciga la horgeeyo iyo in kaalmo waafi ah iyo xaal marin wax ku ool ah la siiyo dhibanayaasha.

Warbixintu waxay sidoo kale ku boorinaysaa Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah inay ansixiyaan tallaabooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed oo ay ku jiraan kuwo ku saabsan shrci fulinta, si loo xaqiijiyo in baaritaan wax ku ool ah la sameeyo, isla markaasna dacwad lagu soo oogo kuwa geysta xadgudubyada iyo tacaddiyada halista ku ah sharciga calamiga ah ee xuquuqul insaanka iyo sharciga caalamiga ah ee xilliyada colaadaha, dhibanayaashana loo helo xaal marin wax ku ool ah.

LEAVE A REPLY