Puntland Oo Dowladda Soomaaliya Ku Wareejisay 2,400 Oo Askeri

Puntland Oo Dowladda Soomaaliya Ku Wareejisay 2,400 Oo Askeri

SHARE

Nugaal,(Samawade.so):- Dowlad Gobaleedka Puntland ayaa maanta oo khamiis ah ku wareejisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya 2,400 oo askeri, kuwaasi oo ka tirsanaa ciidanka difaaca Puntland -Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa qeyb ka noqonaya heshiis madaxda Qaranka iyo maamul goboleedyada ku gaareen magaalada Muqdisho, heshiiskaasi oo ahaa in ciidamada la isku dhafo maamul walbana uu keeno ciidan dhan 3000, oo askeri.

munaasibadda wareejinta ciidanka oo ka dhacday xerada 54-aad ee magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, waxaana ka soo qeyb galay madaxweyne ku xigeenka Puntland, wasiiru dowlaha wasaaradda gaashaandhigga ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo saraakiil ka kala socotay Puntland iyo dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Injineer Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku wareejiyeen 2, 400 oo askeri oo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland, kuwaasi oo ka mid noqon doona ciidan xoogga dalka Soomaaliyeed,

“Maanta ujeedadu waxa weeye in caalamku u sheegno in ciidanka ka tirsan Dowlad Gobaleedka Puntland aanu ku wareejinay dowladda Soomaaliya oo wakiil ka yahay wasiiru dowlaha gaashaandhigga, howshan muddo badan ayey soo socotay, waxaan ku faraxsanay in maanta la soo geba-gabeeyo, waxaan wasiirka u sheegayaa maanta laga bilaawo xuquuqda ciidankaasi loo raacayo dowladda Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Puntland Injineer Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey

Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa ah ciidamo ka qeyb qaata difaaca Puntland iyo la dagaalanka kooxda Xagjirka ah ee Al-Shabaab, oo xiriir la leh ururka Al Qaacidda oo dhibaato xoog leh ku haaya dunida Islaamka.

LEAVE A REPLY