Akhriso War-murtiyeed Puntland oo sheegtay Inay Ka Hortagayaan Firxadka Xagjirka Al shabaabka

Akhriso War-murtiyeed Puntland oo sheegtay Inay Ka Hortagayaan Firxadka Xagjirka Al shabaabka

SHARE

Nugaal,(Samawade.so):-Shirkii gollaha wasiirada dowlad gobaleedka Puntland oo uu shir guddoominayay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Xaaji Cabdullaahi cumar Camay ayaa looga hadlay arrimaha amniga Puntland iyo sidii looga hartagi lahaa firxadka maleeshiyaadka Xagjirka Al-shabaab ee ka soo firxanaya howlgallada ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Saaxiibada taageera Soomaaliya ee ka billaawday goballada dhaca Koofurta Somaliya.

War-saxafadeed ka soo baxay Gollaha Xukuumadda waxaa lagu sheegay in Wasaaradda amnigu iyo laamaha amnigu ay ka warbixiyeen howlaha ka hortega firxadka alshabaab gaar ahaan kuwa isku  dayaya inay Puntland ka soo galaan Xuduudaha.

Gollaha wasiiradu waxay ka codsadeen shacabka inay u soo gudbiyaan laamaha amniga xog kasta oo ay ka helaan ururka Alshabaab iyo meel kasta oo ay ku arkaan, waxayna bogaadiyeen laamaha amniga Puntland sida ay heeganka ugu yihiin  amniga dalkooda iyo dadkooda.

Hadalkan ka soo baxay gollaha wasiiradda Puntland wuxuu imaanaya iyadoo maanta Ururka Al-shabaab ay sheegtay Qarax ka dhashay miino dhulka la galiyay, qaraxaasi waxaa ku dhaawacmay 7 askari oo ka tirsan ciidamada madaxtooyada Puntland iyo afar qof oo shacab ah.

todobaadyadii u dambeeyay waxaa soo baxay in firxadka maleeshiyaad tiro badan oo ka tirsan Xagjirka al shabaab oo ka soo baxsanaya weerarka cirka ah ee ciidamada Maraykanka iyo kuwa dhulka ah ee dowladda Federaalku ay ka wadaan koofurta Soomaaliya , gaar ahaan degaamada ku dhow caasimadda Muqdisho ay soo gaarayeen deegaanada Puntland.

Ugu dambeen golaha wasiirada Puntland ayaa warbxin ka dhegeystay wasaaradda cadaaladda oo ka warbixisay arri aha isku xirka culimada Puntland ka wada shaqeynta dhammaan kor u qaadida weynaynta Diinta Islaamka iyo weynaynta xuska Rasuulkeena (CSW).

LEAVE A REPLY