Al Shabaab Oo Billaabay In Ay Ka Firxadaan Goballada Koofurta Soomaaliya

Al Shabaab Oo Billaabay In Ay Ka Firxadaan Goballada Koofurta Soomaaliya

SHARE

Beladweyne,(Samawade.so):-Gen Axmed Maxamed Treedisho oo ah taliyaha guutada 52 aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Horjoogeyaal ka tirsan Al-Shabaab oo baxsad ah ay soo galeen deegaano ka mid ah gobolada dhexe.

Taliyaha oo Warfidiyeenada kula hadlayay magaalada Baladweyne ayaa sheegay in horjoogeyaal sar sare oo ka tirsan xagjirka Al-shabaab ay ka soo baxsadeen duqeymaha ay diyaaradaha aan duuliyaha wadin ka geysanayaan qaar kamid ah gobolada Koofureed ee dalka.

“Waxaa ay ka soo baxsadeen duqeymaha Koofurta Soomaaliya waxayna soo galleon gobollada Galgaduud iyo Mudug umana ogolaanayno in ay dhaqdhaqaaq ka sameeyaan deegaanada ay ay ku sugan yihiin”ayuu yiri Taliyaha guutada 52aad General  Axmed Maxamed Tredishe.

Treedisho ayaa intaa ku darray in qaar kamid ah Horjoogeyaasha Al-shabaab ay u gudbeen maamul goboleedka Puntland gaar ahaan buuraha Galgala.

“Qaar ka mid ah horjoogeyaashaasi waxaa ay mareen degmooyinka Ceeldheer iyo Xaradheere iyagoo si dhuumaaleysi ah u gudbay Buuraha Galgala.”

Dhinaca kale waxaa uu sheegay in ay isu soo dhiibeen qaar ka mid ah Maleeshiyaadka kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab uuna rajeynayo in kuwo kale ay isa soo dhiibaan maalmaha soo socda.

LEAVE A REPLY