Mareykanka Oo Sheegay In Duqeyn Ka Dhacday Soomaaliya Ay Ku Dileen Inkabadan...

Mareykanka Oo Sheegay In Duqeyn Ka Dhacday Soomaaliya Ay Ku Dileen Inkabadan 100 Maleeshiyada Al Shabaab

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Iyadoo lala kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, ciidamada Mareykanka ayaa weerar ku qaaday saldhigga al-Shabaab ee Soomaaliya manta Oo Talaado ah, Nov. 21, qiyaastii 10:30 wakhti maxalli ah ee Soomaaliya.

Howlgalkaas oo ay ku dhinteen in ka badan 100 malleshiyada xagjirka Al Shabaab wuxuu ka dhacay xaafado kuyaal meel qiyaastii 125 mayl waqooyi galbeed kaga toosan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Warsaxaafadeed laga soo saaray taliska Ciidamada Mareygkanka ee lagu magacaabo Africom ayaa lagu sheegay in Mareykanka oo kaashaanaya saaxiibada gobalka ay sii wadi doonaan inay isticmaalaan dhammaan tallaabooyinka la ansixiyay ee lagu ilaalinayo ammaanka dadka Mareykanka iyo in la joojiyo khataraha argaggixisada. Taasoo ay ka mid tahay in lala shaqeeyo AMISOM iyo Ciidamada Amniga Qaranka ee Soomaaliya (SNSF) ujeedkuna uu yahay bar-tilmaameedsiga argagixisada, xeryaha ay ku tababartaan iyo sidoo kale in la helo nabadgalyo ku baahsan Soomaaliya, gobolka iyo adduunka oo dhan. Hadafkeena siyaasadeed iyo amniga ee Soomaaliya waa isku mid.

Kooxda Xagjirka Al-Shabaab oo xiriir la leh ururka Al-Qaacida ayaa u heellan in ay bixiso Farriimo baqdingalin ammaan ah oo loogu talagalay weerarrada argagixisada ee adduunka oo dhan. Al-Shabaab waxaa si cad uga go’an qorshaynta iyo fulinta weerarrada Mareykanka iyo saaxiibadeeda gobolka.

Ugu dambeyntii warka ka soo baxay Mareykanka ayaa lagu muujiyay sida ay uga go’antahay xoojinta iyo sii wadista taageeradooda ku aadan dagaalka dowladda Soomaaliya ay kula jirto sidii kooxda Al Shabaab looga ciribtiri lahaa guud ahaan dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY