Ciidamada Kummaandooska Soomaaliya Oo Xagjirka Al Shabaab Kala Wareegay Deegaano Istiraatiiji Ah

Ciidamada Kummaandooska Soomaaliya Oo Xagjirka Al Shabaab Kala Wareegay Deegaano Istiraatiiji Ah

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo weerar qorsheysan ku qaaday deegaanka Danwale oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerarkan qorsheysnaa ayaa howlgalkan ciidamada ay fuliyeen waxa ay ku soo qabqabteen saraakiil ka tirsan kooxda xagjirka ah ee Al-shabaab sida ay warbaahinta dowladda u sheegeen Saraakiisha Ciidamada Kumaandooska.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa Idaacadda ku hadasha afka Ciidamada  u xaqiijiyay howlgalka ay ka fuliyeen Shabeellaha Hoose in uu ahaa mid qorsheysan islamarkaana lagu bartilmaameed-sanayay rag ka tirsan Shabaab.

Sidoo kale saraakiisha ciidamada ayaa intaa ku daray in howlgalka qorsheysnaa lagu soo qabtay 16 dagaalyahan oo ka tirsan ururka Al-shabaab, kuwaasi oo qaarkood ay sheegeen in ay yihiin rag Shabaab u qaabilsanaa sameynta qaraxyada.

Wararka ayaa waxa ay intaa ku darayaan  ciidamada intii ay howlgalkan ku guda jireen ku burburiyeen saldhig Shabaab ay ku lahaayeen degaaanka Danwale oo ka tirsan Shabeellaha Hoose.

LEAVE A REPLY