Dowladda Soomaaliya Oo Martigalineyso Shir Looga Hadlayo Ka Hortagga Fikirka Xigjirnimada

Dowladda Soomaaliya Oo Martigalineyso Shir Looga Hadlayo Ka Hortagga Fikirka Xigjirnimada

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ka hadlay kulan uu la qaatay Culimada Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay in dhawaan dowladdu ay martigalin doonto shir weyne ay iskugu imaanayaan Culimada Soomaaliyeed, si ay uga doodaan fikirka xagjirka ah iyo sidan aanu wax raad ah ugu laheyn ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Mudane Kheyre ayaa Culimada Soomaaliyeed ka codsaday in bulshada ay u caddeeyaan in fikirkaan uu yahay wax qaldan oo lagu fidneeynayo umadda Soomaaliyeed oo fac ka fac usoo dhaxlayay Diinta Islaamka.

“Dawladdu waxay qabanaysaa shir ay Culimadu uga doodi doonaan fekerka xagjirka ah, si bulshada loogu soo bandhigo diinta ay sida qaldan u adeegsanayaan kooxaha argagixisada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Culimadii kala duwaneyd ee kulanka goobjoogga ahaa ayaa soo dhaweyay soo jeedinta Ra’iisul Wasaare Kheyre. iyagoo codsaday in kalankaasi lasoo dadajiyo,

LEAVE A REPLY