Sheekh Umal Oo Kahadlay Sida Soomaaliya Looga Suulin Karo Firkirka Xagjirka+Sawirro

Sheekh Umal Oo Kahadlay Sida Soomaaliya Looga Suulin Karo Firkirka Xagjirka+Sawirro

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo kamid ah mashaa’ikhda waaweyn ee ugu caansan Soomaaliya oo socdaal halmaalin qaatay maanta ku yimid magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dhibaatooyinka laga dhaxlo is aaminaad la’aanta Shacabka iyo dowladda.

Sh Umal oo hadal ka jeediyay kulan soo dhaweyn ah oo uu maanta u sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa tusaale usoo qaatay musiibadii 14 Oct 2017 ka dhacday isgoyska Soobe, oo ku dhawaad 400 oo qof si xaqdarro ah loogu xasuuqay.

Sheekha wuxuuna carabka sida madaxda dowladda Soomaaliya looga baahanyihiin in ay abuuraan kukalsoonida umadda ku qabto dowladnimada, si buu yiri looga baxo kala qobqobnaanta sababtay in uu soo laaban waayo qarankii Soomaaliyeed ee mudada 27 sano kabada lagu guuldarreystay in dib loogu yagleelo.

“ilaahay subxaana watacaalaa in loo laabto ayaa loo baahanyahay, wixii Muqdisho ka dhacay bil kahor waxay aheyd¬†musiibo nagu dhacday, dariiqa ugu horreeya ee aan kaga bixikarno wuxuu yahay in Alle loo laabto, mas’uuliyiinta dowladduna waa in ay dib u hantaan kalsoonida shacabka ay ku qabaan taasina ay tahay midda kaliya ee dalka Soomaaliya looga badbaadin karo fikirka Xagjirnimada ah” ayuu yiri Sh Maxamed Cabdi Umal

Ugu Dambeyntii Sh Umal ayaa markale tacsi u diray ehellada dadkii ku waxyeelloobay Weerarkaasi, wuxuuna dalka iyo dadka Soomaaliyeed u rajeeyay nabad iyo dowladnimo taam ah.

Dhinacakale Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay wafdiga culimada ee ka kala yimid Kenya iyo Ugandha, isagoo uga mahadceliyay dadaalka wanaagsan ee ay muujiyeen.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa  Culimada Soomaaliyeed kala hadlay siddii ay kaalin uga qaadan lahaayeen wacyi gelinta bulshada iyo inay ka qeyb qaataan dagaalka dowladda ay kula jirto fikirka Xagjirnimada argagixisada, maadaama kooxdaasi ay ka been sheegeyso diinta Islaamka iyo ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Sh Nuur Baaruud Gurxan oo isna ka hadlay kulanka ayaa mahadcelin kadib ku baaqay in laguda galo qorshaha taakuleynta ciidamada Qalabka Sida ee uu Madaxweynaha Soomaaliya hore u daahfuray, ayna soo kala dhexgashay musiibadii Soobe.

Sh Nuur Baaruud wuxuu sheegay in si wanaagsan looga qeybqaatay gurmadka weerarkii Soobe balse hadda dhexda loo xirto sidii wadajir la isaga kaashan lahaa dhaqaajinta gurmadka Qorshaha Taakuleynta Ciidamada oo suuragalin doono in cadawga umadda Soomaaliyeed laga guuleysto.

 

 

 

LEAVE A REPLY