Faahfaahin Midkamid ah Kooxda Xogjirka Oo Naftiisa Ku Haligay Duleedka Muqdisho

Faahfaahin Midkamid ah Kooxda Xogjirka Oo Naftiisa Ku Haligay Duleedka Muqdisho

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Weerar naf-haligid ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa duhurnimadii maanta lagu qaaday Kolonyo Ciidamada AMISOM ay la socdeen oo marayay duleedka Muqdisho, gaar ahaan nawaaxiga deegaanka Weydow oo ku dhow KM13.

Kolonyada Ciidan ayaa ku soo wajahnaa magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inay ka yimaadeen dhanka degmada Afgooye, waxaana gaariga qaraxa saarnaa lagu dhiftay mid ka mid ah kolonyada ciidamada AMISOM.

Gaariga qaraxa fuliyay ayaa ahaa gaari NOAH ah, waxaa la sheegay inuu wadayay ruux naftii halige ah oo beegsaday kolonyada ciidamada.

Goobjoogeyaal ku dhowaa goobta uu qaraxy ka dhacay ayaa Samawade.so u sheegay in gaariga qaraxa fuliyay uu muddo wadada dhinaceeda ku sugnaa, isla markaana u muuqday mid sugayay kolonyada ciidamada oo markii goobtii ay soo gaareen uu is qarxiyay.

Xagjirka Al-Shabaab ayaa goor dhow qoraalo ay soo dhigeen baraha Internet-ka ku sheegay in weerar is qarxin ah la beegsaday kolonyo ay la socdeen Ciidamada AMISOM iyo Ciidamo Mareykanka ah oo ka yimid dhanka Saldhigga Ballidoogle.

Sarkaal ka tirsan howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay in kolonyo kamid ah ciidankooda lala eegtay qarax lagu diyaariyay gaari, kaas oo uu sheegay in aysan jirin qasaare nafeed oo ka dhashay marka laga reebo dhagarqabaha isqarxiyay iyo mid kamid ah gaadiidkooda oo burburay.

Kooxda Xagjirka Al Shabaab oo aan u tureynin Saameynta dadka Shacabka ah ka soo gaaraya weeraradooda ayaa caadeystay in ay isku dhex qariyaan goobaha ay bulshadu ku badantahay, taasina ay marwalbo sababto in waxyeello xoogan ay soo gaarto dad aan waxba galabsan.

LEAVE A REPLY