Taliska Booliska Oo Beeniyay In Baabuur Qaraxyo Sida Ay Ku Jiraan Muqdisho

Taliska Booliska Oo Beeniyay In Baabuur Qaraxyo Sida Ay Ku Jiraan Muqdisho

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Taliska Booliska Soomaaliya ayaa been abuur ku tilmaamay warar soo baxayay oo sheegaya in gaadiid qaraxyo sida ay ku jiraan magaalada Muqdisho, iyagoo ka digay wararka been abuurka ee lagu cabsi gelinayo shacabka.

Kusimaha Taliyaha Booliska ahna Taliye kuxigeenka Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa sheegay in wararkaas ay yihiin kuwo been abuur ah oo lagu qalqal gelinayo shacabka.

“Waxaa maalmahan soo noq-noqonayay kalmado ah in gaadiid qaraxyo ay magaalada ku jiraan, warkaas waa waxba kama jiraan, waxaa shacabka ka codsanayaa in hey’adaha ammaanka ku soo wargeliyaan wax kasta oo amniga lid ku ah iyo hadii ay wax arkaan”ayuu yiri Kusimaha Taliyaha Booliska.

Sidoo kale waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay warar kale oo sheegaya in gaadiid ay leeyihiin AMISOM oo u gacan galay Al-Shabaab in qaraxyo loo adeegsan rabo.

“Waxaa kaloo jira in la leeyahay baabuur AMISOM laga qabsaday in cadawga isticmaalayo, in garoonka diyaaradaha laga cararay, warkaas dhan waa waxba kama jiraan, garoonka waa caadi, diyaaraha waa ka soo degaan, warkaas waa wax aad u fool xun oo lagu qalqal gelinayo shacabka”ayuu yiri Taliyaha.

Maalintii shalay ayay aheyd markii Ciidamada Ammaanka dowladda, gaar ahaan Ilaalada Madaxtooyada ay baaritaan ku bilaabeen gaadiidka ay leeyihiin AMISOM, taasoo ah markii u horeysay oo la arko gaadiid AMISOM lagu baarayo bar koontaroolada ciidamada.

LEAVE A REPLY