Dowladda Soomaaliya Oo $1 Million Ugu Deeqday Dadkii Ay Waxyeellada Kasoo Gaartay...

Dowladda Soomaaliya Oo $1 Million Ugu Deeqday Dadkii Ay Waxyeellada Kasoo Gaartay Qaraxii Zoobe+Sawirro

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa xalay ka sheegay munaasabad lagu qabtay xarunta dowladda hoose ee Xamar in lacag dhan $ 1 million oo dollar dowladda Soomaaliya ugu deeqday dadkii ay wax yeelladu ka soo gaartay Qaraxii 14kii October ee sanadkan ka dhacay Isgoyska Zoobe.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in maalinta Khamiista ah [Berri] si toos ah lacagta ay balanqaaday dowladda loogu soo shubi doono Akoonka guddiga Gurmadka Qaranka.

Sidoo kale waxaa lacago ku deeqay qaar ka mid ah maamul gobolleedyada oo dhaqaale ay iska oo ururiyeen sheegay in ay ku wareejinayaan guddiga howlan u gurmashada dadka ay dhibaatadu ka soo gaartay qaraxii Zoobe.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in Qaraxii Zoobe ay ka danbeeyeen dad bulshada Soomaaliyeed ka tirsan oo raba ayuu yiri in shacabka la baabi’iyo, sidaa daraadeed waxaa ugu baaqay dowladda iyo shacabka intaba in loo istaago sidii arintaan looga hortagi lahaa.

Mudane Xasan Cali R/wasaaraha XFS ayaa kaga mahad celiyay dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan in ay door-wayn ka qaateen Caawinta iyo garab istaaga dadkii dhibaatadu kasoo gaartay Musiibadii qaran ee 14 Octobar ka dhacday Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho gaar ahaan isgoyska Ex Soobe.

R/wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre XFS ayaa tilmaamay in ay dhacdadaasi ay ahayd mid dhamaan midaysay bulshada Soomaaliyeed oo kaashanaaya Dowladdooda ayna tustay in ay hal meel kaga soo wadajeestaan Gumaadka maleeshiyada nabad iyo nolal diidka ah ee Al shabaaab ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Midnimada Dowlada iyo shacabkeeda waxaa ka dhashay go’aan wadajir ah oo ku aadan la dagaalanka nabad iyo nolal diidka ee Al shabaab ayna ka dhigan tahay in uu guulaystay Qaranka Soomaaliyeed maadama ay shacabka fahmeen gumaadka ay wadaan Al shabaab “ayuu yiri” Mudane Xasan Cali R/wasaaraha XFS.

LEAVE A REPLY