Madaxweyne Farmaajo Oo Saraakiisha Ciidamada XDS Ka Wareystay Diyaargarowga Dagaal Ka Dhan...

Madaxweyne Farmaajo Oo Saraakiisha Ciidamada XDS Ka Wareystay Diyaargarowga Dagaal Ka Dhan Ah Xagjirka+Sawirro

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” ayaa kula kulmay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Wasiiru Dowlaha Wasaaradda ahna Ku simaha Wasiirka iyo Saraakiisha ugu sarrayso Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweynaha ayaa saraakiisha ciidamada Xoogga Dalka wax ka weydiiyay halka uu marayo abaabulka ay ugu diyaar garoobayan dagaalka ballaaran oo xagjirka argagixisada Alshabaab looga sifaynayo guud ahaan goobaha ay kaga suganyihiin dalka.

Saraakiisha Ciidanka ee uu la kulmay Madaxweynaha ayaa muujiyey yididiillo iyo kalsooni, iyaga oo tilmaamay in ay durba guula ka soo hoyeen jiidda hore ee dagaalka hallaas oo ay ka xoreeyeen argagixisada deegaanno ku yalla Shabeĺlada Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad u jeediyey Saraakiisha Ciidanka ayaa kula dardaarmay in ay ka soo dhalaalaan rajada ay ku qabaan Shacabka, isla markaana kooxaha xagjirka ah ay ka xureeyaan deegaanada ay kaga dhuumaaleysanayaan Soomaaliya si meesha looga saaro weerarada arxandarrada ah ee ay ku leynayaan dadka maatida ah ee aan waxba galabsan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo farriin u diray qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ayaa xusay in muwaadin kasta oo Soomaali ah looga baahanyahay in uu is-garab istaago Ciidanka naftooda u huraya sidii dalka iyo dadkuba uga badbaadin lahaayeen naxariisdarrada kooxda xagjirka ah ee Al Shabaab Al Qaacida.

    

LEAVE A REPLY