Gen Caanood “Waxaa La Idinkaga Fadhiyaa In Hooyooyinkiina Aad Ilmada Ka Tirtaan”

Gen Caanood “Waxaa La Idinkaga Fadhiyaa In Hooyooyinkiina Aad Ilmada Ka Tirtaan”

SHARE

Balcad,(Samawade,so):-Ammaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jen Cabdullaahi Cali Caanood oo degmada Balcad ee gobalka Shabeellaha Dhexe kula hadlayay cutubyo ka tirsan Ciidamada XDS ayaa sheegay in uu billaawday howgal hordhac u qorshaha duullaanka kooxda Xagjirka Al Shabaab looga sifeynayo dalka Soomaaliya kaas oo uu hore u iclaamiyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxmaed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Jen Caanood oo hadla dardaaran u jeediyay ciidamada loo diyaariyay howlgalka deegaanada gobalka shebeellaha Dhexe looga Sifeynayo Al Shabaab ayaa sheegay in ciidamada Xoogga dalka ay dadweynaha Soomaaliyeed ka sugayaan in ay ka tiraan ilmada iyo tiiraanyada ay badeen xagjirka Al Shabaab ee caadeystay in laayaan haweenka iyo caruurta.

Ammaanduulaha XDS ayaa tusaale u soo qaatay weeraradii is xigxigay ee ka dhacay Soobe iyo Hotel Naasa Hablood Laba ayaa xusay in xagjirku aysan qofna nolol u ogoleen, iyagoo shan xabadood madaxa uga dhiftay ilmo yar oo 8 bilood jira sidoo kalana ay dileen hooyadii dhashay, sidaas darteedna ciidamadu ay yihiin kuwii ilmada ka tiri lahaa hooyooyinka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Ammaanduulaha ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgallo saacadihii la soo dhaafay ay ciidamadu ka fuliyeen deegaano ka tirsan goballada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, kuwaas oo ay ciidamadu kula wareegeen deegaano ay shacabka ku dhibaateynayeen Shacabka Soomaaliyeed.

Jen Caanood Wuxuu sheegay in iyagoo ka faa’ideysanaya go’aankii maanta ay magaalada Muqdisho ku gaareen hoggaanka Siyaasadda dalka in dhammaan goballada dalka uu si mideysan uga billaabanayo howlgalka ka dhanka kooxda xagjirka ah ee Al Shabaab, shacabka Soomaaliyeedna looga baahanyahay in ay kaalintooda ka soo dhalaalaan ciidamadana ay gacan siiyaan.

LEAVE A REPLY