Faahfaahin Duqeyn ka Dhacday Deegaano Hoostaga Qandala

Faahfaahin Duqeyn ka Dhacday Deegaano Hoostaga Qandala

SHARE

Boosaaso,(Samawade.so):-Wararka ka imaanaya deegaanka Buqa ee buuraleyda Gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in xalay halkaasi ay ka dhacday duqeyn cukus oo lala beegsaday horjoogeyaal sarsare oo katirsan kooxda xagjirka ah ee Daacish Soomaaliya oo uu hogaamiyo horjooge Cabdulqaadir Muumim.

Deegaanka duqeyntu ay ka dhacday ayaa qiyaasii 60 km u jira degmada Qandala oo ay ku dhuumaaleystaan kooxdaasi qabsatay dhulka buuraleyda Galgala.

Mas’uuliyiinta Gobolka iyo dadka deegaanka ayaa sheegay in la maqlay qaraxyada ilaa iyo lix gantaal, iyo guuxa dayuuradaha.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen guuxa diyaarado kuwaasoo loo malaynayo in ay duqeyntan geysteen.hase yeeshee ma jirto Illaa hadda cid sheegatay inay ka dambeysay duqeyntan.

Gudoomiyaha Degmada Qandala Jaamac Maxamed Quurshe Ayaa u Sheegay idaacadd VOA in Duqeyntaasi ay ilaa xalay maqlayeen Dadka deegaanka Guuxa diyaaradaha iyo Gantaalada laga soo ridayay oo lagu qiyaasayo illaa 6-Gantaal.

Ciidamada Mareykanka ee Africom oo dowladda Soomaaliya ka taageera la dagaalanka kooxaha argagixisada kana howlgala gudaha dalka ayaa hore u fuliyay weeraro isugu jira duqeyn iyo dagaal fool ka fool ah oo ay ku bartilmaameydsanayaan deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan kooxaha xagjirka ah.

Ciidamada Ammaanka Dowlad gobaleedka Puntland ayaa go’doomiyay fariisimaha ay kaga suganyihiin deegaanka Qandala, iyagoo hore ugu guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan maleeshiyaad ka tirsan kooxdaasi uu ujeedkoodu ahaa in ay barakiciyaan dadka ku nool deegaanada Puntland.

LEAVE A REPLY