Kooxda Xagjirka Oo Qof Dumar ah Ku Dhex Dilay Goobteeda Ganacsi

Kooxda Xagjirka Oo Qof Dumar ah Ku Dhex Dilay Goobteeda Ganacsi

SHARE

Muqdisho,samawade.so:-Koox Bastoolado ku hubeysan ayaa caawa xaafadda Seybiyaano ee magaalada Muqdisho haweeneey lagu magacaabo Kaaho Jaamac Cilmi xilli ay ku sugneyd goobteeda Ganacsi.

Goobjeegeyaal ku dhawaa goobta dilka ka dhacay ayaa Warbaahinta Somawade.so u sheegay in laba wiil oo dhallinyaro ay gudaha u galeen sandaqad yar oo nolol maalmeedkeeda ay kasoo saaran jirtay marxuumad Kaaho, kadibna la maqlay rasaas gudaha sandaqadda ka dhacday, markii ay u soo gurmadeena ay arkayeen dhallinyaro sii carareysa iyo meydka marxuumadda oo dhulka waran.

Saraakiisha Amniga qaabilsan oo waxyar kadib goobta gaaray ayaa qaaday meydka marxuumadda, iyagoo su’aalo weydiiyay dadkii goobtaasi ka agdhawaa.

Dhacdadaan ayaa kamid ah falalka gurracan ee ay ku caanbexeen kooxaha xagjirka Al Shabaab, iyadoo illaa hadda aan la ogeyn sababta ay u bartilmaameedsanayaan dadka shacabka ah, haseyeeshee ay muujineyso in ay kooxda xagjirka ay dil ugu wada xakumanyihiin dadka Soomaaliyeed, maadaama aysan jirin cid ay dhaafayaan Caruur, Hooyo, Waayeel ama dhallinyaraba.

LEAVE A REPLY