Naftii-halige Ku Halaagsamay Qarax Ka Dhacay Magaalada Boosaaso

Naftii-halige Ku Halaagsamay Qarax Ka Dhacay Magaalada Boosaaso

SHARE

Boosaaso,(Samawade.so):-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Ismiidaamin ah oo Duhurnimadii maanta ka dhacay Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Waxaana qaraxaasi ku dhaawacmay 4 qof oo shacab ahaa, halka uu ku dhintay ruuxii Naftii hura ahaa ee gaari gacanka ku waday walxahaasi qarxa.

Qaraxa ayaa ka dhacay nawaaxiga saldhiga bartamaha ee Magaalada Boosaaso, gaar ahaan goob lagu iibiyo qaadka oo xilliigaasi ay dad badan ku suganaayeen.

Afhayeenka madaxtooyada Maamulka Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac “Quraan Jecel ” ayaa sheegay in qaraxaasi la doonayay in lagu waxyeelo dadka shacabka ah ee ku nool Magaalada Boosaaso.

Waxaana uu ugu baaqay in ay muujiyaan feejignaan dheere ah, ayna la shaqeeyaan Laamaha Ammaanka, si looga hortago falalka ammaan dari ee ka dhaca Magaaladaasi.

Arrintaan ayaa noqotay wax aad uga fajacisay dadweynaha magaalada Boosaaso, waxayna noqotay mid ugub ah kadib markii gaarigacan lagu soo dhex qariyay walxaha qarxa taas oo ay kooxaha xagjirku doonayeen in ay ku laayaan shacabka magaalada Boosaaso.

LEAVE A REPLY