La Soco Qeybtii Labaad Ee Barnaamijka Maxaa Loo Dilay?

La Soco Qeybtii Labaad Ee Barnaamijka Maxaa Loo Dilay?

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so): Qeybta Labaad Ee Barnaamijka Samawade ku eegi doonaa dhibane Ilhaam Cabdullaahi Maxamed oo 13 sano jir ah oo Qarax 14 Apr 2015 ka dhacay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ku weysay hooyadeed Xabiibo Maxamed Faarax oo naafo aheyd islamarkaana ku riixeysay gaariga lagu riixo dadka naafada ah.

Ilhaan Cabdullaahi Maxamed oo wali la xanuunsaneysa dhacdadaasi ay ku weysay hooyadeed Xabiibo Maxamed Faarax oo kamid aheyd 10 Qof oo dhimasho iyo dhaawac ay kasoo gaaray weerarkaas naxariis darrada ahaa ayaa barnaamijka Samawade uga sheekeysay sidii maalintaasi ay Wax u dheceen.

“Xamarweyne ayaan u soconay, halkaan ayaan ku nasaneynay, hooyo ayaan biyo u doonay, geeska ayaan fariisiyay biyihii ayaan u doonay, saantii aan u soo jeestay qarax ayaa dhacay, waan soo orday naag ayaa i qabatay, bus ayaa aniga iyo hooyo nakala qarisay meel fog ayaana ka arkay meydka hooyadeey, dad i aqoonsaday ayaa isoo waday, meeshiina xabad ayaa ka bilaabatay” ayay hadal keeda raacisay Ilhaam.

Sheekadaas Xanuunka Badan iyadoo dhameystiran halkaan hoose ka dhageyso.

https://www.youtube.com/watch?v=1IVTyMk8Tjo&t=30s

 

LEAVE A REPLY