Gabay uu dhowr saac ka hor curiyay Abwaan Abdullahi Abdi Farah...

Gabay uu dhowr saac ka hor curiyay Abwaan Abdullahi Abdi Farah Sujuud uguna magac daray KA MIDOOBA.

SHARE

Madxi iyo hadii aan amaan idinku maansheeyo

Hadaan malab cabsiiyiyo hadaan dacar magaaw siiyo

Hadaan kuu mashxaradiyo hadaan murugo kuu daaro

Ma dadaalo iyo gabay hadaan idinku maaweelsho

In kastoo muraad kaygu yahay meela sare gaara

Qalbigaa madoow oo kolley ima maqlaysaane

Ka midooba wixii maalin hore magaca loo waayey

Ka midooba mashiiq siga dunida magaca hooseeya

Ka midooba murugiyo xasuuq maalin wali taagan

Ka midooba masalooyin cadaw diin ku magacaabay

Ka midooba kooxaha mintiday ee macnaha beelay

Ka midooba magri iyo mad’habo diinta magaceed leh

Ka midooba qabiil soo mutuxan maamulada sheegta

Ka midooba maan gaabnidiyo reera magacowga

Ka midooba Musuq maasuq iyo maalka dhicidiisa

Ka midooba kuwaa maanyadiyo badihii meersheene

Ka midooba madaafiicda qoys aan mir laga reebin

Ka midooba madax uu amxaar maamulka u haayo

Ka midooba moor yaan wax dilay reer ku magacowga

Ka midooba madax iyo shacbiga meel ku wada laynta

Ka midooba inaad maalmo badan murug ku noolaato

Ka midooba masiibooyin dhacay maragna loo haayo

Ka midooba magaciin jiryeye si xun u maaraynta

BY: Sujuud

LEAVE A REPLY