Daawo Barnaamijka Samawade Oo Idinkaga Imaanayo Magaalada Baydhabo

Daawo Barnaamijka Samawade Oo Idinkaga Imaanayo Magaalada Baydhabo

SHARE

Baydhabo,(Samawade.so):- Barnaamijka Samawade oo ka faallooda arrimaha bulshada gaar ahaan wacyigalinta dadweynaha Soomaaliyeed ee ka hortagga Afkaarta Xagjirnimada oo todobaadkaan idinkaga imaanaya magaalada baydhabo waxaan si gaar ah ugu eegidoonaa dhibaatada Alshabaab iyo Kaalinta Waaliddiinta Koofur Galbeed kaga aadan sidii caruurtooda kamidka ah kooxda Xagjirka Al Shabaab ay uga soo saari lahaayeen.

Horjoogeyaal Sarsare oo hore uga tirsanaa kooxda al shabaab ayaa sanadkaan gudihiisa ku dhawaaqay in ay ka bexeen kooxda al shabaab, islamarkaana ay ka tanaasuleen Afcaasha gurracan ee aan u adeegeen ku dhaqanka Shareecada Islaamka, laguna gumaadayo shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Horjoogeyaasha uga Sareeya ee la taaban karo kana soo laabtay Fikirkaas waxaa kamid ah Sh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur oo ku dhawaaqay in isku dhiibay Dowladda Soomaaliya.

Hadaba barnaamijkaan oo uu inoo tabindoono Wariye Bishaar Xasan Maxamed Waxaa Marti ku ah Cali Macalin iyo Cabdicasiis Maxamed Cusmaan oo kamid ah bulshada Magaalada Baydhabo kana hadlaya talooyin la xiriira sidii waliddiintu u qaadi lahaayeen talloobooyin caruurtooda ay ku dhiirrigalinayaan islamarkaan uga wacyigalinayaan qatarta ay ku noolyihiin iyo sada ay uga soo laaban garaan.

https://www.youtube.com/watch?v=kIDywVyBCkY&feature=youtu.be&a=

LEAVE A REPLY