Shacabka Muqdisho Iyo Sida ay Ugu Baraarugeen Dhagarta Xagjirka”Faallo”

Shacabka Muqdisho Iyo Sida ay Ugu Baraarugeen Dhagarta Xagjirka”Faallo”

SHARE

Muqdisho,(samawade.so):-Maalmihii u dambeeyay waxaa dadweynaha ku nool magaalada Muqdisho laga dareemayaa in ay ku baraarugeen dhagarta iyo weerarada qatarta ah ee Xagjirka Al Shabaab ay u soo maleegaan Shacabka Soomaaliyeed.

Boqolaal dad ah oo aan waxba galabsan ayaa ku nafwaayay qaar kaloo badan waxay ku waayeen xubnihii ugu muhiimsanaa ee jirkooda, weeraro xagjinimo ah oo ay soo maleegeen kooxda al shabaab, kuwaas oo u jeedka ay ka lahaayeen uu ahaa in ay ku laayaan dad maati ah oo la daalaadhacaya raadinta nolol maalmeedkooda.

wixii kadambeeyay bishii aynu soo dhaafnay ee July markii qarax gaari lagu xasuuqay maati aan waxba galabsan xilli ay marayeen wadada Maka Al Mukarama, kuwaa oo qaarkood ku ganacsanayay hareeraha wadada, waxaana lagu qarxiyay gaari ay xagjirka Al Shabaab kasoo buuxiyeen walxaha qarxa oo dhagarqabihii waday uu kaga dagay wadada xilli halkaas ay howlo baaris ah ka wadeen ciidamada amniga.

Maxaa Maanta Iska Badalay Dareenka Dadweynaha Muqdisho?

Aragtida cusub ee maanta laga dheehankaro shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa ah in uu yahay mid waxbadan ka diwan dareenkii iyo foojignaantii ay ka qabeen qatarta iyo naxariisdarada joogta ah ee had iyo jeer ay kala kulmaan kooxda xambaarsan fakerka tagfiiriga ee lagu magac xumeynayo diinteena muqadaska ah ee Islaamka.

Tusaalihii ugu dambeeyay ee baraarugsanaanta Bulshada Muqdisho ayaa ah markii dadweynaha ka ag-dhaw wadada Xaaji Baasto  ay shalay galinkii dambe ciidamada Ammaanka ku wargaliyeen in wax kabadan 10 daqiiqo uu wadada dhinaceeda uu yaallo gaari aan la aqoono cidda iska leh, taasi oo dhalisay in markiiba ay ka howlgalaan ciidamadii amniga ee goobta u joogay waajib gudashadooda.

Ciidamada ayaa bilaabay in markiiba ay wadada xiraan ayna hakiyaan dhaqdhaqaaqa ganacsi iyo isku socodka wadada oo aheyd meel aad u mashquul badan.

Markii baaris lagu sameeyay gaariga ayaa la ogaaday in ay saaranyihiin walxaha qarxa, waxaana loo yeeray ciidamada miino baarista ee booliska Soomaaliyeed, kuwaas oo intii ay ku gudajireen furfurista gaarigaasi uu qarxay, islamarkaana uu dhaawac ka soo gaaray hal askari oo ka tirsan ciidmada booliska Soomaaliyeed.

Dadweynaha Soomaaliyeed ayaa duco iyo ammaanba isugu daray Geesiyaasha  Ciidamada Ammaanka Soomaaliyeed oo Shacabkii ay u dhaarteen ilaalinta nabadgalyadooda Alle ka sokoow ka badbaadiyay Xasuuqii iyo dhagartii ay la maaganaayeen kooxda Xagjirka ah ee Al Shabaab.

Sawirro laga qaaday goobta kahor inta aanu gaariga qarxin ayaa muujinayay wadada oo ciidamadu xireen, islamarkaan uu wadada dhinaceeda yaallo gaari noociisu yahay SARUF oo laga soo buuxiyay aaladaha qarxa, taas oo haddii hadafka dhagarqabayaasha u rumoobi lahaa ay sabasanlahaayeen nolosha qaarbadan oo naga mid ah balse Alle aanu sidaa qadarin.

Tusaalaha labaad ayaa ah in maanta galinkii dambe ay dadweynaha ku sugan agagaarka saldhigga Booliska Degmada Waaberi ka shakiyeen gaari ay la socdeen 3 ruuc oo mid kamid ah inta uu ka dagay kadibna cararay.

Dadkii ku sugnaa goobtaas ayaa markiiba ciidmada booliska ku wargaliyay wixii ay ka shakiyeen, taasina waxay suurtagalisay in markiiba ciidamadu joojiyaan dhaqdhaqaaqii wadada Laamiga ah ayna qabtaan gaarigaasi iyo laba nin oo saarnaa.

Ciidamada ayaa markii ay gaariga baareen ka waayay walxaha qarxa ee looga shikiyay, iyadoo markii baaris ay ku sameeyeen labadii nin ee lagu qabtay gaarigana ay sheegeen in ninka cararay uu qabay xanuun dhinaca dhimirka ah, walina ciidamada waxay ku gudajiraan baaritaanka kooxdaasi laga shakaiyay.

Samawade.so ayaa jecleysatay in ay bulshada sida joogtada ah ugu xiraran la wadaagto samaha iyo dareenka wanaagsan ee ay muujinayaan bulshada Muqdisho, taas oo suurtagalin doonto haddii lasii xoojiyo wadashaqeynta laamaha amniga iyo bulshada, meeshana ay ka bixi doonaan weerarada xagjirka Al Shabaab ee ay ku gumaadayaan maatida Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

LEAVE A REPLY