Horjooge Al Shabaab Ah Oo Isku Dhiibay Dowladda Soomaaliya

Horjooge Al Shabaab Ah Oo Isku Dhiibay Dowladda Soomaaliya

SHARE

Hiraan,(Samawade.so):-Horjooge maleeshiyada Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca caafimaadka ayaa isu dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan.

Taliyaha ciidamada dowladda ee bariga gobalka Galgaduud Jeneraal Axmed Maxamed Tareedishe ayaa xaqiijiayay in horjoogaha isa soo dhiibay magacaabo Nuur Ibraahim C/llaahi oo gudaha Al-Shabaab loga yaqaano Zakariye, islamarkaana uu ahaa madaxa caafimaadka kooxda Al-Shabaab ee gobalka Galgaduud.

Zakariye oo da’diisu tahay 19 sano jir, waxaa uu Al-Shabaab ku biiray isagoo 14 jir ah.

Maleeshiyada Kooxda Xagjirka Al Shabaab ayaa ka war heshay in Zakariye uu damacsanyahay in isku dhiibo ciidamada Dowladda Soomaaliya, isagoo ugu dambeyn ka soo baxsanayay in ku dhow 50 maleeshiyada Al-Shabab oo ceyrsanayay.

Todobaadkii Lasoo Dhaafay ayay aheyd Markii Ku Xigeenkii hore ee Kooxda Al Shabaab Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur uu ku dhawaaqay in uu ka baxay fikirkii qalloocnaa ee Xagjirnimada ee uu hore u aaminsanaa.

Dhallinyaro Badan oo Soomaaliyeed oo hore ugu qaldamay fikirka Xagjirnimada ayaa sanadihii lasoo dhaafay billaabay in ay kasoo laabtaan, kadib markii ay ogaadeen in fikirkaasi aanu u adeegeynin ku dhaqanka shareecada Islaamka.

LEAVE A REPLY