Xagjirka Al Shabaab Oo Muqdisho Ku Dilay Garsoore Caan Ah

Xagjirka Al Shabaab Oo Muqdisho Ku Dilay Garsoore Caan Ah

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Kooxo hubeysan oo katirsan xagjirka Al Shabaab ayaa magaalada Muqdisho ku dilay Allaha u naxariistee guddoomiyihii xiriirka garsoorayaasha kubbada cagta Soomaaliyeed Cusmaan Jaamac Diraac.

Dilka ayaa la sheegay inay geysteen koox ku hubeysan bastoolado, waxaana marxuumka la diley isagoo ka soo laabtay salaada cishaha masjid ku yaal xaafada Xamar Bile ee degmada Warta Nabadda.

Kooxdii dilka geysatay ayaa goota isaga baxsaday ka hor inta aysan ciidanka ammaanka goobta gaarin.

Dhinaca kale 4 ruux ayaa dhaawacyo ay ka soo gaaren qarax ka dhacay goob ganacsi oo ku taal isla degmada Warta nabada caawa fiidkii.

 

Ciidamada Ammaanka ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay iyagoo billaabay baaritaano ay ku ogaanayaan sida ay wax u dheceen.

LEAVE A REPLY