Faahfaahin Horjooge Mukhtaar Rooboow Oo Soo Gaaray Muqdisho

Faahfaahin Horjooge Mukhtaar Rooboow Oo Soo Gaaray Muqdisho

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Waxaa goor dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho soo caga dhigatay diyaaradii siday Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, taasoo ka soo qaaday magaalada Xudur ee xarunta gobalka Bakool, halkaas oo uu saakay iska soo dhiibay.

Diyaarada gaar ah oo siday Rooboow ayna la socdeen Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Taliye kuxigeenka NISA iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Koofur Galbeed ayaa galinkii dambe ee maanta soo cagadhigatay garoonka Aadan Cadde Gaar ahaan Qeybta Ciidamada Cirka Ee Afasiyooni.

Dowladda Soomaaliya ayaan illaa hadda ka hadlin is dhiibita Mukhtaar Rooboow, waxaana shalay illaa maalintii Arbacadii ee la soo dhaafay uu dagaal xaaggan deegaanka Abal ku dhexmarayay Maleeshiyada Xagjirka Al-Shabaab iyo xoogag taabacsan Abuu Mansuur.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Abuu Mansuur la kulmo doono Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ku sugan Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa saaka kulan gaar ah ka yeeshay xaalada Abuu Mansuur, oo si rasmi ah galabta loogu soo gacan geliyay dowladda Soomaaliya.

Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa sanadkii 2013 gooni uga baxay Al-Shabaab, kaddib markii ay is khilaafeen Horjoogixii hore ee Xagjirka Al-Shabaab Axmed Godane, waxaana wixii xilligaas ka dambeeyay uu gabaadsanayay deegaanka uu ku dhashay ee Abal oo ka tirsan Gobolka Bakool.

Bishii June ayay aheyd markii Mareykanka uu ka saaray liiska dadka Argagixisada ee aadka loo doon doonayo, iyadoo madaxiisa ay dul saarneyd lacag gaareysa illaa shan milyan oo dollar, waxaana wixii markaas ka dambeeyay Al-Shabaab ay culeys saartay Wadaadkaan, iyagoo ugu dambeyn weerar ku qaaday deegaankii uu ku sugnaa.

Xoogag toobacsan Mukhtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur ayaa hadda ku sugan deegaanka Abal, waxaana dagaalkii halkaasi ka dhacay ku geeriyooday Ilaa 19 qof  oo isugu jira maleeshiyaadka kooxda Xagjirka Al-Shabab iyo kuwa Mukhtara Roobow.

Bogga Wararka Ee Samawade.so kala soco wixii warar ee ku soo kordha xaaladda Abuu Mansuur iyo halka ay ku dambeyso.

LEAVE A REPLY