Ciidamada Amniga Oo Ka Hortagay Qarax Gaari Oo Ladhigay Wadada Maka Al...

Ciidamada Amniga Oo Ka Hortagay Qarax Gaari Oo Ladhigay Wadada Maka Al Mukarama

SHARE
Ciidamada Amniga Soomaaliya Oo Ka Hortagay Qarax Gaari Laga Soo Buuxiyay Oo La Dhigayay Wadada Maka Al Mukarama.
 
Gaariga oo ahaa nooca raaxada ayaa la dhigay meel u dhaw Carwada Al Kowthar Wadada Maka Al Mukarama, iyadoo markiiba ay xogtiisa heleen Ciidamada Amniga baarisna ay ku bixllabeen.
 
Ciidamada Ayaa hakad galiyay Dhaqdhaqaaqa Ganacsiga iyo isusocodka Gaadiidka isticmaala wadada, si looga fogaado waxyeelo ka soo gaarta dadka rayidka ah.
 
Ciidamada Ammaanka ayaa suurtagaliyay in iyadoon cidna wax ku gaarin ay qaraxaasi fashiliyaan.
 
Waa mid kamid ah Dhagaraha Joogtada ah ee Kooxda Al- Shabaab ay ku dooneysay in ay ku halaagto Umadda Soomaaliyeed, iyadoo Laamaha Ammaanka Dowladda Soomaaliyana ay ku howlanyihiin Ilaalinta nabadgalyada Guud ee Caasimadda Soomaaliya Ee Muqdisho.

LEAVE A REPLY