Islaamka Iyo Halka uu Ku Sifiiyay Xag Jirnimada

Islaamka Iyo Halka uu Ku Sifiiyay Xag Jirnimada

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-20-kii Sano ee u dambeeysay waxaa dunida aad uga soo baxayay Kooxo dano gaar ah u adeegsanayay magaca Diinteena Suuban ee Muqadaska ah iyagoo ka beensheegaya Jihaadka iyo dabaqidda ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

Bogga Barta Bushada Ee Xagjir oo jecel in Bulshada Soomaaliyeed ay la wadaagto Fikirkaasi qadal ee Xag Jirnimada ayaa Warbixintaan ka iftiimin doonta Islaamka iyo waxa uu ka qabo Xag Jirnimada.

Macno ahaan hadii aan si kooban uga hadalno Eraga “Xagjir” Waa Fikir uu wato Shaqsi ama Koox Gaar ah kaas oo doonayo ama ku doonayaan in ay ku Dabaqaan Dal ama deegaan ay joogaan,  iyagoo adeegsanaya Dhaqaale Ama Awood Ciidan, Islamarkaana si qaldan u fahmay diinta islaamka taas oo ay ka dhalankarto sida maanta ka taagan Soomaaliya Ama Dunida Muslimka ah in lagu banneysto daadinta dhiigga Muslimiinta.

Hadaba aan isweydiino Maxay diinteenu ka qabtaa fikirka Xagjirka iyo sida maanta Dalkeena ay ugu xasuuqayaa dadka soomaaliyeed ee berimageydada ah fikirkaasi ee aan haba yaraatee Wax sal iyo raad toona aan ku laheyn Shareecada Islaamka?

Culimada Soomaaliyeed oo Su’aashan ka jawaabay ayaa ku tilmaamay “Quluwi” oo Macnaheedu yahay ku taraxtagid ay kooxaha ka beensheegaya in dalka Soomaaliya ay ku dabaqayaan ku dhaqanka Shareecada Islaamka hase yeeshee ka beensheegaya diinta islaamka.

Diinta Islaamku waxa ay kasoo horjeedaa wax kasta oo Jihaad loogu yeero misna aan buuxin Shuruudihii Jihaadka ee uu Alle Subxaana Watacaalaa noo jideeyay, Shaqsi Ama Koox gaar ahna kuma dhawaaqi karto Jihaad iyadoon la buuxin shuruudahaasi Xaqa ah ee Alle uu faray umaddiisa.

Sidoo Kale Alle Subxaana Watacaalaa Wuxuu naga Xaaraantinimeeyay in si xaqdaro ah loo gooyo nafta ruuxa bini’aadamka, xitaa diinteena Suuban ma ogola in la dilo Gaalka haddii aanu aheyn mid dagaal kaala dhexeeyo iskaba daa in iyadoo laga beensheegayo magaca diinta islaamka in lagu baneysto dilka Caruurta iyo haweenka oo maanta meel fagaaro ah lalasoo istaagayo in Alle loogu dhawaanayo.

Halista ugu weyn ee Soomaaliya ay Dhaxashay kooxaha xambaarsan Fikirka Xagjirnimada ayaa ah Qof Bini’aadam ah oo aan wax aqoon ah u laheyn Diinta Islaamka laga dhaadhiciyay fukirkaan misna lagu qanciyay in uu is-qarxiyo oo uu naftiisa Gooyo,  iskuna qarxiyo dad Islaam ah oo laga dhaadhiciyay in ay kasoo horjeedaan fikirka Guracan ee Xagjirnimada, kadib markii loo sheegay in uu jano galayo.

                            Diinta Islaamku Maxay Ka tiri in Qofku Isdilo

 

Alle Subxaana Watacaalaa Wuxuu Qur’aankiisa Ku Yiri “HA DILINA NAFTIINA, ILAAHAY WAA MID IDIIN NAXARIIS BADANE” marka waxaa halkaasi noogu cad in Qofkii is qarxiya ama nabtiisa tuhluukeeya in uu jabiyay Amakii uu Allen a faray.

LEAVE A REPLY