“Talephone ayaa iisoo dhacay waxana la iisoo shegay Geerida Walaashey Iyo Dhaawaca...

“Talephone ayaa iisoo dhacay waxana la iisoo shegay Geerida Walaashey Iyo Dhaawaca 3 Caruur Ah Oo Ay Dhashay” Sidaasi Waxaa Tiro Ardo Faarax

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Sameynta Weerarada Argagaxa leh ee ay Soomaaliya Ka Geystaan Kooxaha argagixisada ah ee Al Shabaab ay ku yeelato bulshada Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan ayaa noqotay mid joogto ah.

Tusaalihii ugu dambeeyay ayaa ah markii aan Caawa Warka TV-ga Qaranka Soomaaliyeed ku daawaday Hooyo Ardo Faarax Rooble oo caawa Taleefan loogu soo sheegay in Qaraxii dhacay ay ku geeriyootay walaasheed, islamarkaana cisbitaalka ay yaallaan Sadaxdii Caruur ee ay dhashay oo xilligaas ay wada socdeen.

Hooyo Ardo ayaa sheegtay Walaasheed iyo Caruurtooda ay kasoo laabteen Qaraabo Salaan ay ku tageen degmada Wartanabadda, kadibna uu wadada Qarax ku haleelay iyagoo la socday Mooto Bajaaj.

Su’aasha aan markasta isweydiiyo ayaa ah maxay tahay Sababta Gawaarida Qaraxyada lagu soo raray ay kooxda Xagjirka ah ee Al-shabaab ula beegsanayaan goobaha Mashquulka badan ee ay ku badanyihiin dadka Shacabka ah?

Maalin kasta oo uu qarax dhaco waxaan ku weynaa dad badan oo Soomaaliyeed oo nagu Ehel ah ama saaxiibo aan jecelnahay, kuwaaas oo dhammaantood loo leynayo maxaa u nooshihiin.

Farriinta aan Xambaarsanahay waxa ay tahay in dhammaanteen aan xil iska saarin sidii looga hortagi lahaa fikirka Xagjirnimada ee dhammaanteen aan dilka ugu xukumanahay.

Ugu Dambeyntii Waxaan Tacsi u dirayaa Ehelka Qoyskaasi Caawa Sida Xaqdarada ah Hooyadood Loogu Dilay Muqdisho, sidoo kale waxaan Alle Caafimaad Dagdag ah u weydiinayaa Caruurta dhaawacmay.

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun.

LEAVE A REPLY