Kooxaha Xagjirka Oo Gaari Qaraxyo Laga Soo Buuxiyay Dhigay Wadada Maka Almukarama

Kooxaha Xagjirka Oo Gaari Qaraxyo Laga Soo Buuxiyay Dhigay Wadada Maka Almukarama

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Gaari nooca raaxada ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa caawa fiidkii ka dhacay banaanka hore Cisbitaalka Daarul Shifaa oo ku yaalla wadada Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Saraakiisha Ammaanka ayaa xaqiijiyay dhimashada Laba Qof iyo dhaawaca 7 kale oo dhammaantood ahaa dadkii shacabka ahaa ee wadada marayay.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Axmed Maxamuud Maxamed Carab oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in qaraxa oo loo adeegsaday gaari nuuca Soomaalidu ay u taqaano Kaarib ay ku nafweysay hooyo Soomaaliyeed oo wadada socotay xilliga uu qaraxu dhacayay iyadoo sidoo kale ay jiraan dad kale oo iyaguna dhaawacyo kasoo gaareen qaraxa oo la geeyay cisbitaalada magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in goobta uu qaraxu ka dhacay ay howlgallo baaritaan ah ka wadeen ciidamada xasilinta Amniga Caasimadda, waxaana markii uu gaariga soo gaaray barta lagu koontaroolayay gaariga uu isaga dagay wadihii isagoo ka faa’ideystay mashquulka wadada kadibna uu sidaas ku qarxiyay gaariga oo yaalla wadada dhinaceeda.

Qaraxa ayaa sababay burbur xoogan oo soo gaaray dhismeyaashii ganacsi ee ku yaallay hareeraha wadada iyo gaadiid dadweyne oo wadada marayay halka qaarna ay isla goobta yaalleen.

Kooxaha Xagjirka Al Shabaab ayaa ku caanbaxay dilalka xaqdarada ah iyo weerarada naf halignimo ee ay ku gumaadayaan dadweynaha Soomaaliyee.

LEAVE A REPLY