Afar Kamid Ah Xagjirka Alshabaab Oo Xukun Dil Ah Lagu Fuliyay Degmada...

Afar Kamid Ah Xagjirka Alshabaab Oo Xukun Dil Ah Lagu Fuliyay Degmada Beledxaawo

SHARE

Belad-xaawo,(Samawade.so):-Wararka ka imaanaya degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamada amniga degmadaas ay maanta toogasho ku dileen afar dhalinyaro lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab, kuwaasoo ay Maxkamad ku xukuntay dil.

Madaxa Amniga degmada Beledxaawo ayaa sheegay in raggan ay qirteen inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab, isla markaana horay nin nabadoon ah u dileen, haween ay dhaawacmeen.

“Dad shacab oo la iska laayaya ma ahan, dambiilayaal ayay ahaayeen, waxayna ka tirsanaayeen Al-Shabaab”ayuu yiri Madaxa Amniga degmada Beledxaawo.

Waxaa uu sheegay in raggan ay ka mid ahaayeen kooxaha wax khaarijiya ee loo yaqaano Madax jebis, horayna loogu soo qabtay howl gal laga sameeyay degmada Beledxaawo.

“Afar nin bey ahaayeen oo ah dambiilayaal, saddex ka mid ah nin nabadoon ayay bambo ku tuureen, nimankaas maxkamad ayaa la geeyay, waana qirteen, dil toogasho ayaa lagu xukumay”ayuu yiri Madaxa Amniga degmada Beledxaawo.

Ma ahan markii u horeysay ee xukuno dil lagu fuliyo dhalinyaro lagu eedeeyo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, iyadoo maamulada dalka ka jira ay xukunada si isku mid u fuliyaan, waxaana Puntland uu yahay maamulka ugu badan ee xukunada dilka fuliyay bilihii la soo dhaafay.

LEAVE A REPLY