Diyaarado Dagaal Oo Duqeyn Cirka Ah Ku Qaaday Saldhigyo Alshabaab Ay Ku...

Diyaarado Dagaal Oo Duqeyn Cirka Ah Ku Qaaday Saldhigyo Alshabaab Ay Ku Lahaayeen Degaanka Toorotoorow Ee Gobalka Shabeellaha Hoose

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Weerar qorsheysan oo isugu jira dhul iyo cir ayna ka qeybgaleen ciidamada sida gaarka u tababaran ee dowlada Soomaaliya iyo ciidamo  Maraykan ah ayaa xalay lagu qaaday deegaanka Toorotoorow oo ka tirsan gobolka Sh/hoose.

 

Wararka ku saabsan weerarkan oo goor dhow soo baxay ayaa la sheegay in diyaarado helecoptar ah ay ku daadiyeen ciidamo duleedka deegaanka Toorotoorow kadibna uu iskahorimaad xoogan ka dhacay deegaanka Toorotoorow.

Warbaahinta Samawade.so oo la xiriirtay ilo wareedyo deegaanka ku sugay ayaa ogaatay weerarkaasi lagu beegsaday sadax saldhiga oo alshabaab ay ka daganaayeen gudaha iyo duleedka deegaanka Tooratooroow.

Ilo Wareedyada ay heshay Warbaahinta Samawade.so ayaa u xaqiijiyay in waabarigii Saakay ay arkeen Meydadka 9 kamid ah maleeshiyaadka Xagjirka Al Shabaab.

Wali majiro wax war ah oo si rasmi ah ugaga soo baxay dowladda Soomaaliya iyo taliska Ciidamada Mareykanka ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho.

Ciidamada Maraykanka ee sida gaarka ah u tababaran ayaa ciidamada dowlada ee loo yaqaan Danab kala qeybgala weerarada gaarka ah ee laga fuliyo magaalooyin ka mid ah dalka Soomaaliya oo ay ku sugan yihiin Xagjirka Alshabaab.

Askari Maraykan ah ayaa ku dhintey mid kamid ah weerarada ay iska kaashadeen ciidamada Dowlada iyo kuwa Maraykanka ah ee deegaanka Bariire ee gobalka shabeellaha Hoose.

LEAVE A REPLY