Faahfaahin Qarax Ka Dhacay Waaberi Oo Ay Sheegteen Xagjirka Alshabaab+Sawirro

Faahfaahin Qarax Ka Dhacay Waaberi Oo Ay Sheegteen Xagjirka Alshabaab+Sawirro

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Ugu yaraan 7 ruux ayaa ku geeriyootay, 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen, kaddib markii qarax naftiihalignimo ah lagu weeraray saldhiga Booliska degmada Waabari oo ku yaala Wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ku sugnaa nawaaxiga Saldhigga ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa gaari nooca Surf-ka loo yaqaano oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay iridka hore ee saldhiga Waabari.

Qaraxa ayaa saameeyay dhismayaasha ka ag dhow Saldhiga oo ku yaallay laamiga Wadada Maka Al-Mukarama, waxaana dadka ugu badan ee waxyeelada ka soo gaartay ay u badnaayeen dad shacab ah oo marayay wadada.

Wasiirka Amniga, Taliyaha Booliska iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhaca.

Kooxda Xagjirka ah ee Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda Weerarkaan oo ay ku ledeen dad masaakiin oo aan waxba galabsan kuwaas oo iyagoo nabadqaba saakay kasoo tagay guryahooda.

Qaraxyadan ka dhacaya magaalada Muqdisho ayaa ku soo aadaya, iyadoo ciidamada ammaanka ay adkeeyeen amniga Caasimada,

LEAVE A REPLY