Kooxda Al Shabaab Maxay Ka Aaminsanyihiin Shacabka Soomaaliyeed?

Kooxda Al Shabaab Maxay Ka Aaminsanyihiin Shacabka Soomaaliyeed?

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Qormadaan  kooba  waxaa ku eegaynaa kooxda Al shabaab iyo waxay aaminsan yihiin.

Al shabaab waa urur diimeed gabbaad ka dhigta diinta islaamka waxay u isticmaalaan qaab qaldan waxay ku xad gudbaan aayaadka alle ayagoo sida ay rabaan u adeegsada.

Waxay aaminsan yihiin in ayaga mooyee uusan islaam kale jirin dadka ay la noolyihiina dad ridoobay diinta islaaamkana ka baxay dhiigooda iyo maalkoodu kooduna bananyahay.

Al shabaab dhamaan ummadda soomaaliyeed oo dhan waxay u yaqaanaan dad gaalo ah oo goortii la rabo la dili karo taasna waa mida sababatay in ay maalin walba xasuuq u gaystaan shacabka Soomaaliyeed.

Al shabaab waxay samayn lahaayeen in ay halmaalin xasuuqaan boqolaalk kun oo shacab ah balse waxaa ka hortaagan oo u diidan ma helaayaan gabaad iyo in ay ku sii dhex jiraan shacabka oo maslaxadooda ayaa ku jirta ee wax jaceyl ah ama naxariis ah uma hayaan ummada soomaaliyeed ee 100% Muslimka ah

Qof walba oo Soomaali ah kana mid ah bulshada qaybaheeda kala duwan sida

Ciidan

Shiikh

Waayeel

Dhalin yaro

Caruur

Haween

Dhamaan dil bay  ku xukuman yihiin  balse way kala horeeyaan oo maslaxadooda ayaa ku jirta waxaana taas kaaga filan in ay xasuuqaan dad shacab ah kadibna ay soo istaagaa warbaahinta ayagoo qiranaya falkii wuxuushnimada ahaa ee ay ku xasuuqeen ummad muslim ah haddana sooman.

Gudnti iyo gunaanadkii

Maxaa la gudboon bulashada soomaaliyeed?

Waa  meel looga soo wada jeestaan cadawgooda koowaad  waa in ay dowladdana ay ku garab siiyaan sidii looga adkaan lahaa si looga xoroobo fikradaan xagjirnimada ee nagu ragaaday boqolaal soomali nolashoodiina galaafatay

 

Abdukadir Ali Abdi

LEAVE A REPLY