Daawo Barnaamijka Samawade Oo Aan Uga Hadleyno Weerarkii Pizza House

Daawo Barnaamijka Samawade Oo Aan Uga Hadleyno Weerarkii Pizza House

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Barnaamijka Samawade Waxaan Todobaadkaan Ku Eegi doonaa arrimaha Ammaanka, si gaar ah waan uga hadleynaa weerarkii argagixisada al shabaab ay ka geysteen maqaayadda laga cunteeyo ee Pizza House.

Weerarkaasi oo ay aad uga xumaadeen bulshada Soomaaliyeed meel walba oo ay Caalamka ka joogaan waxaa ku nafwaayay dad ka badan 20 qof oo aan waxba galabsan ayna ku jiraan sadax gabdhood oo walaala ah kuwaas oo laba kamid ah ay geeriyoodeen halka mid kamid ah gabdhahaasi walaalaha ahna laga soo badbaadiyay.

Kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab Waxa ay sheegteen in ay mus’uul ka yihiin weerarkaasi, iyagoo ku faanay in ay laayeen dadkii Muslimiinta ahaa ee ku geeriyooday weerarkaasi Xaqdarada ah.

Barnaamijka waxaa marti ku ah Sh Cali Sh Maxamuud Sh Cali Dheere oo kamid ah culimada Soomaaliyeed iyo Afhayeenka Wasaaradda Amniga Axmed Maxamuud Maxamed Axmed Carab, iyagoo ka hadlaya dhaibaatada xagjirnimada ah ay kooxda al shabaab ku leynayaan dadka Soomaaliyeed iyo in arrintaasi aysan wax raad ah ku laheyn dhaqanka wanaagsan ee diinteena oo na fareysa nabadgalyo iyo in aan si xaqdarro ah loo daadin Karin dhiigga dadka Muslimka ah.

https://www.youtube.com/watch?v=X-CALTZ_KD4

LEAVE A REPLY