Mid Kamid Ah Maleeshiyaadka Daacish Oo Markii Ugu Horeysay Isku Dhiibay Puntland

Mid Kamid Ah Maleeshiyaadka Daacish Oo Markii Ugu Horeysay Isku Dhiibay Puntland

SHARE

Boosaaso,(Samawade.so):-Saraakiisha Maamulka Puntland ayaa sheegay in uu isa soo dhiibay mid ka mid ah Maleeshiyaadka kooxda sheegata in ay xiriir la leedahay Daacish ee ku sugan Buuraha Galgala gobolka Bari.

Shaqsigan isa soo dhiibay ayaa magacbiisa lagu sheegay C/laahi Maxamed Saciid, wuxuuna ka soo jeedaa gobolka Baay sidda ay sheegeen saraakiisha dowlad gobolleedka Puntland.

Taliyaha ururka 1-aad ee Guutada Horseed Axmed Maxamuud Yuusf oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga VOA ayaa sheegay in ninkan uu isaga qirtay in uu ka tirsan yahay kooxda Daacish.

Taliyaha ayaa intaa ku darray in ninkan ilaa hada in aysan ka heyn wareysi faah faahsan, balse ay dib ka soo sheegi doonaan,  isaga oo ragga kale ee ka tirsan wali kooxda Daacish ugu baaqay in ay isa soo dhiibaan.

Ciidamada maamulka Puntland ayaa marar badan koox ka tirsan Daacish waxaa ay kula dagaalameen deegaanno ka tirsan degmada Qandala ee gobolka Bari.

Kooxda Daacish ayaa sanadkii hore waxaa la wareegtay degmada Qandala, halkaas oo ay in muddo ah ku dhuumaaleysanayeen, inkastoo markii dambe laga saaray.

LEAVE A REPLY