Xagjirka Al Shabaab Oo Xalay Labo Qof Siyaabo Kala Duwan Ugu Dilay...

Xagjirka Al Shabaab Oo Xalay Labo Qof Siyaabo Kala Duwan Ugu Dilay Magaalada Muqdisho

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Koox bastoolado ku hubeysan oo ka tirsan xagjirka Alshabaab ayaa xalay waxay siyaabo kala duwan ugu dilay degmooyinka Howl Wadaag iyo Hodan labo ruux oo mid ay aheyd haweeney ganacsato ah oo lagu dhex dilay Cawo Ganacsi oo ay ku laheyd Xaafadda Banaadir Ee Dagmada Hodan.

Haweeneyda Ganacsatada aheyd oo lagu magacaabo Xaliima Cilmi Yuusuf ayaa sidaan oo kale hore ay kooxda Xagjirka ah ee Alshabaab ay u dilay Seygeeda iyadoo aan la ogeyn sababta loo beegsaday qoyskaasi.

Saraakiisha Ammaanka ayaa sheegay in ay ku raadjoogaan laba nin oo bastoolado watay, kuwaas oo gudaha carwada ugu galay marxuumadda, kadibna baxsaday markii ay dilka geysteen.

Wararka ayaa sheegaya in haweeneydan ka mid aheyd ergooyinkii Xildhibaanada ku doortay degmada Cadaado ee xarunta KMG ee Galmudug.

Sidoo kale kooxo hubeysan ayaa degmada H/wadaag ku dilay nin lagu magacaabo Suleymaan Cusmaan Yuusuf, waxaana la sheegay in kooxdii dilka geysatay ay baxsadeen.

Midkamid ah Siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada Galmudug ayaa sheegay in bishaan oo kaliya si xaqdarro ah lagu dilay 5 kamid ah Ergadii Cadaado kusoo dooratay Xubnaha golaha Shacabka ee laga soo doortay Magaalada Cadaado, Isagoo intaas ku daray in tirada dilalalka Ergadii Cadaado ay ka dhigeyso 21 Marxuum.

LEAVE A REPLY