Muqdisho,(Samawade.so):-Faah faahin ayaa ka soo baxaya dagaalo culus oo shalay gelinkii dambe ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo u dhaxeyeay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.
Dagaaladan ayaa ka dhacay deegaanka Nambar 50 iyo Muuri, waxaana ay daba socdeen dagaalo horay uga dhacay deegaankaas.
Wararka ayaa sheegaya in Maleeshiyaad ka tirsan Xagjirka Al-Shabaab ay dhowr jiho ka weerareen deegaanadaas, iyagoo Gubay illaa 14 tuulo oo hoos yimaad deegaanada No 50 iyo Muuri.
Dadka Deegaanka oo u adkeysan waayay boobka ay kooxdaasi ku heyso xoola dhaqatada iyo Beeraleyda Deegaanka.
Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ayaa sheegay in Al-Shabaab dagaalkaasi uga dileen 6 Maleeshiyo ah, Labo kalana ay nolosha ku hayaan. dhinaca ciidanka dowladda ay soo gaartay dhimashada hal askari iyo dhaawaca labo kale.
Al-Shabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay weerar ku hayay Tuulootinka u dhaxeeya Shalanbood illaa Nambar 50, waxaana lagu eedeeyay inay tuulooyinka qaar ay gubeen.