Daawo Muuqaallo Iyo Sawirro Muujinayo Qaraxa Ka Dhacay Agagaarka Dakadda Muqdisho

Daawo Muuqaallo Iyo Sawirro Muujinayo Qaraxa Ka Dhacay Agagaarka Dakadda Muqdisho

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Qarax Xooggan Oo Loo Adeegsaday Gaari Laga Soo Buuxiyay Walxaha Qaraxay ayaa Lala Eegtay Goob lagu Shaaho Oo Ku Dhaw Dakadda Caalamiga ah Ee Magaalada Muqdisho.

Ugu Yaraan 8 Qaf oo ay ku jiraan hooyo iyo ilma yar oo ay dhashay ayaa ku geeriyooday weerarkaasi Bahalinimada ah ee Kooxda Xagjirka ah ee Alshabaab ay la beegsadeen goobtaasi.

Sidoo kale Dadku Geeriyooday Waxaa kamid ahaa Midkamid ah Cayaaryahanada Kooxda LLP Jeenyo iyo dad kale oo wadada marayay oo qaarkood ay la socdoon gawaari mareysay wadada oo ay aheyd meel mashquul badan oo ay dadweynuhu aad u Isticmaalaan.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen Cabdixakiim Daahir Siciid Saacid oo Maanta ka Hadlay Bartilmaameedka Lala damacsanaa in Qaraxaan lala Eegto ayaa Sheegay in Gaariga Qarxay uu ku wajahnaa Mid kamid ah Goobaha Waxbarashada Ee uu Imtixaanka Shahaadiga ah uga Socdo Ardayda Soomaaliyeed.

Waa Midkamid ah Nasiibdarada ay ku suganyihiin Kooxda Xagjirka ah ee Al-shabaab, iyagoo Maalin Kasta u Bareeraya Leynta Dadka Maatida ah ee ku sugan Suuqyada iyo Goobaha ay ku kulmaan Dadweynaha Soomaaliyeed.

Sawirrada Qaar ayaa Muujinaya Meydadka Dadkii Wadada Marayay ee ku nafwaayay Qaraxa, Waxaana uga digeynaa maadaama dadka qaar uu jirkoodu kala maqanyahay in ay Sawirrada ay Daawadaan Caruurta iyo Haweenka.

LEAVE A REPLY