Faallo Yaa Laga Ilaalinayaa Ardayda Imtixaanka U Fadhisa?

Faallo Yaa Laga Ilaalinayaa Ardayda Imtixaanka U Fadhisa?

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-inkabadan 27,000 oo arday Soomaaliyeed ah ayaa Goballada Dalka u fariistay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare Kaas oo ay Sanadkii Sadaxaad si Mideysan u Qaadeyso Dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Imtixaanka ayaa ka kala dhacaya Magaalada Muqdisho iyo xarumaha dowlad gobaleedyada dalka ee hoosyimaada dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Gobalka Banaadir oo kaliya waxaa Imtixaanka Shahaadiga ah u fariistay 23,000 Oo Arday, kuwaas oo Imtixaanka ku galaya dugsiyada kala duwan ee Waxbarashada Magaalada Muqdisho.

Ammaanka Goobaha Imtixaanka ay ku galayaan Ardayda Soomaaliyeed ayaa aad loo adkeeyay waxaana Ilaalo ka hayo Ciidamada Booliska, iyadoo la xiray waddooyinka hareeraha kamara xarumaha Imtixaanaadku kasocdaan, si looga Fogaado qatar walba oo laga filankaro kooxaha argagixisada ah ee Xarjirka Al-shabaab xiriirkana laleh ururka Al-shaacida.

Mudane Xasan Cali Kheyre oo weheliyo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Mudane Cabdiraxmaan Cusmaan Daahir ayaa ugu horeyn tagey Iskoolka 15 May oo kamid ah goobaha lagu qaadayo Imtixaanka, wuxuuna boggaadiyey Ra’iisul Wasaaruhu sida habsamida ah ee u soconayo Imtixaanku.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxa uu sheegay in bulsho waliba oo gaartay horumar dhalinyaradeedu horseed u yihiin, sidaas awgeedna loo baahan yahay in la horumariyo Waxbarashada dalka, si looga gudbo dib-u-dhaca iyo bur-burka ragaadiyey dhalinta Soomaaliyeed.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa Isweydiinaya Jawiga iyo Xaaladda Xabsida ah ee ay ku suganyihiin Ardayda u fadhisa Imtixaan Shahaadiga ee ay qaadeyso dowladda Soomaaliya, Maadaama Kooxda Xagjirka ah ee Al-shabaab ay hore hanjabaad ugu direen Waalidiinta Soomaaliyeed, iyagoo uga digay caruurtooda in ay u diraan goobaha waxbarashada, haseyeeshee dowladda Soomaaliya oo Digniintaasi ka jawaabtay ayaa sheegtay in ardayda Soomaaliyeed aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin Hanjabaadda Maleeshiyaadka Kooxda Alshabaab.

Barnaamijka Samawade oo hadafka uu u taaganyahay uu yahay Dhiirrigalinta iyo Bulshada Soomaaliyeed ayaa Akhristeyaashiisa Qormadaan ku Weydiinaya Su’aasha ah “Yaa Laga Ilaalinayaa Ardayda Imtixaanka U Fadhisa? Yeysa Dangaar ah u hayaan Kooxda Sida Dhuumaaleysiga ah ugu Dhexejira Bulshada ee noo diidan horumar iyo Xasillooni ay naaloodaan dhallaanka Soomaaliyeed ee ah Iftiinka Dalka Ee Maanta iyo Barri?

Fadlan Afargtidaadana Kasoo Dhiibo, Idigoo Sidoo kalana Wixii Aragtiyo ah noogu Soo Diri Kara Ciwaankeena ah samawadeshow@gmail.com

 

LEAVE A REPLY