DAAWO SAWIRRADA: Qaraxa ka dhacay Muqdisho

DAAWO SAWIRRADA: Qaraxa ka dhacay Muqdisho

SHARE
A Somali man watches the damage caused at the scene where a car exploded in the Madina district of Mogadishu, Somalia May 17, 2017. REUTERS/Feisal Omar

Qaraxan, ayaa wuxuu ka dhashay gaari nooca raaxada ah oo walxaha qarxa la soo saaray, iyadoona uu ku qarxay agagaarka Saldhiga Booliska ee Degmada Wadajir.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, C/fitaax Cumar Xalane, ayaa sheegay ka hor inta aanu gaarigu qarxin, in ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada ammaanka.

Afhayeenka, ayaa intaa ku daray in gaariga uu qarxay, xilli ay miinada ka furayeen ciidamada miino baarista, oo saddex ka mida ay qaraxaasi ku dhimatay.

Axmed Cabdulle Afrax, Gudoomiyaha Degmada Wadajir, ayaa sheegay in laba nin oo gaarigaasi la socday ay ka daggeen, ka dibna ay bilaabeen in ay rasaas ku soo caabiyan ciidamada ammaanka.

Gudoomiyaha Degmada Wadajir oo la hadlay Warbaahinta, ayaa xaqiijiyay in toogasho lagu dilay mid ka mid ah labadaasi nin, halka midkii kalana uu baxsaday.

 

A goat walks through destruction caused after a car exploded in the Madina district of Mogadishu, Somalia May 17, 2017. REUTERS/Feisal Omar

A Somali man watches the damage caused at the scene where a car exploded in the Madina district of Mogadishu, Somalia May 17, 2017. REUTERS/Feisal Omar

qarax 3qarax 4qarax 5

LEAVE A REPLY