Faahfaahin Horjoogeyaal Katirsan Al-Shabaab Oo Lagu Dilay Duqeyn Ka Dhacday Gobalka Gedo

Faahfaahin Horjoogeyaal Katirsan Al-Shabaab Oo Lagu Dilay Duqeyn Ka Dhacday Gobalka Gedo

SHARE

Garbahaarey,(Samawade.s0):-Maamulka Gobolka Gedo ayaa sheegay in duqeyn ka dhacday deegaan ku dhow Garbahaarey lagu dilay Horjoogeyaal Iyo Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo la socday labo gaadiid dagaal.

Guddoomiyaha Gobolka Gedo ayaa sheegay in duqeynta lala beegsaday gaadiidka ay wateen Al-Shabaab, oo mid ka mid ah uu saarnaa qori kuwa lidka diyaaradaha, halka midka kalena uu dul banaan ahaa.

Waxaa uu sheegay in 17 Maleeshiyaad ah oo ay ku jiraan Horjoogeyaal lagu dilay duqeynta, isagoo xusay in duqeynta ay fuliyeen dowladaha saaxibka la ah Soomaaliya.

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa tiro ka dhowrjeer ah duqeymo ay ku bartilmaameedsanayaan Horjoogeyaasha Kooxda Xagjirka ah ee Al-shabaab ka fuliyay deegaano ka tirsan gobalka Gedo.

LEAVE A REPLY