Xagjirka Al-Shabaab Oo Xoojiyay Beegsiga Odayaasha Dhaqanka

Xagjirka Al-Shabaab Oo Xoojiyay Beegsiga Odayaasha Dhaqanka

SHARE

Muqdisho,(Samawade.s0):-Maleeshiyaadka Kooxda Xagjirka ah ee Al-shabaab ee Xiriirka la leh ururka Al-qaacida ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay kordhiyay dilalka qorsheysan ee lala beegsanayo Odayaasha Dhaqanka.

24 Saac ee la soo dhaafay Kooxda Xagjirka Al-shabaab waxa ay magaalada Muqdisho ku dileen illaa Sadax Oday Dhaqameed oo kasoo qeybqaatay dhismaha Golayaasha Baarlamaanka Ee Soomaaliya.

Xalay Fiidkii ayaa koox bastoolado ku hubeysan waxa ay Degmada Hodan ku dileen allaha u naxariistee Nabaddoon Sayid Cali Cismaan Abtidoon oo ka mid ahaa Ergadii galmudug Xildhibaanada ku soo dooratay.

Sidoo Kale Galinkii dambe ee maanta ayaa koox bastoolado ku hubeysan ay xaafadda Labadhagax ee dagmada Wartanabadda ku dileen Ugaas Cabdi Dhoore oo ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka Maamulka Galmudug.

Goobjoogeyaal ayaa noo Xaqiijiyay in Ugaaska ay dileen Dableey Bastoolado ku Hubeysnaa,kuwaas oo Dilka ka dib Goobta ka baxsaday.

Su’aasha isweydiinta mudan ee ku taagan quluubta dad badan oo Soomaaliyeed ayaa ah Wiilka la qalday ee Bastooladda Loo Soo Dhiibay Sow Aabe ma dhalin? Muxuu ku aqbalay in uu hor istaago Oday Waayeel ah oo Aabihii oo kale ah? Maalinta Qiyaamahase Muxuu isku difaaci doonaa haddii uu maanta Lacag yar ku qaatay iyo dhiig muslim si xaqdarro ah ku daadiyo!!!.

Hadaba Kan Wax Xaqdarro Ku Dilayoow Xasuusnoow Haddii Maanta Aad Isleedahay Qof Dil Ee Baxso waxaa Gaari Doontaa Maalin Aadan Ka Baxsan Doonin Cadaaladda Rabi Subxaana Watacaalaa.

Maanta Wali Fursad ayaad Heysataan, Towbada Allana Wey Idiin Furantahay Ee Alle Cafis Weydiista Kana Towbad Keena Xumaanta iyo Dhiigga Muslimiinta Ee Aad Xaqdarada Ku Daadineysaan.

 

 

LEAVE A REPLY