Horjooge Ka Tirsan Al-Shabaab Oo Caawa Nin Ilaalo U Ahaa Uu Ku...

Horjooge Ka Tirsan Al-Shabaab Oo Caawa Nin Ilaalo U Ahaa Uu Ku Toogtay Gobalka Gedo

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Wararka Ka Imaanaya Deegaanka Ceel-Cali Ee Gobalka Gedo ayaa ku soo waramaya in la khaarajiyay Horjeego lagu Magacaabo Cabdullaahi Dacar Oo kamid ahaa Horjoogeyaasha ugu sareeya Gobalka Gedo.

Warka ayaa intaa ku daraya dilka Horjoogahaan uu fuliyay mid kamid ah Ilaalada Horjoogahaasi.

Ilo Xog Ogaal ah ayaa Samawade.so u xaqiijiyay dilka horjoogahaasi, iyadoo rasaas uu kala beegsaday madaxa iyo wadnaha.

ninka dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, iyadoo aan wali la ogeyn sababta ka dambeysay dilka horjoogahaasi.

Kooxda Xagjirka Al Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeysay waxaa kusoo kordhayay kala shaki xooggan oo soo kala dhexe galay horjoogeyaashooda, waxaana deegaanada ay ku suganyihiin maalin kasta ka dhaca dilal kala duwan oo lagu qaarajinayo horjoogeyaashooda.

LEAVE A REPLY