Xagjirka Al Shabaab Oo Muqdisho Ku Dilay Oday Dhaqameed Caan Ah

Xagjirka Al Shabaab Oo Muqdisho Ku Dilay Oday Dhaqameed Caan Ah

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Maleeshiyaad Bastoolado ku hebeysan ayaa barqanimadii Maanta Degmada Waabari Ee Gobalka Banaadir ku dilay Ugaas Cabdulqaadir Shiikh Xuseen oo kamid ahaa Ugaasyada Soomaaliyeed.

Goob joogayaal ku sugan Degmada Waabari ee Gobalka Banaadir ayaa xaqiijiyay in koox hubeysan oo wadata Bostoolado ay dileyn Ugaas isagoo fadhiya banaanka hooygiisa.

Kooxda dilka geysatay ayaa la sheegay in ay ahaayeen dhalinyaro, iyagoo dilka kadib goobta ka baxsadayn.

Alle ha u naxariistee marxuumka la dilay ayaa ka mid ahaa odayaashii wax ka soo dhisay Baarlamanka Soomaaliya gaar ahaan Xubnaha laga soo doortay Magaalada baydhabo ee xarunta Gobalka Baay.

Madaxda Qaranku waxa ay tacsi u dirayaan eheladii marxuumka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Ugaas Cabdulqaadir oo ka mid ahaa nabad doonnada sama ka taliska ah.

Falkaan ayaa qeyb ka ah dilalka qorsheysan ee ay ku caanbaxeen kooxda xagjirka ah ee Al-shabaab, iyagoo ku gambanaya fidinta diinta islaamka, hase ahaatee culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay ka been sheegeen ku dhaqanka Shareecada Islaamka, ayna ku xadgudbeen Xuduuddii Alle Maadaama ay baneysteen in si xaq darro ah ay ku daadiyaan dhiigga dadka Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed.

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun.

LEAVE A REPLY