Haweeney Xalay Xagjirka Alshabaab Ay Ku Dileen Degmada Mahadaay

Haweeney Xalay Xagjirka Alshabaab Ay Ku Dileen Degmada Mahadaay

SHARE

Jowhar,(Samawade.so):-Koox Bastoolado ku hubeysan ayaa xalay degmada Mahadaay ee gobalka  Shabeellaha Dhexe ku Dilay Haweeneey kamid ah bulshada deegaanka.

Haweeneyda la toogtay oo lagu Magacaabo Sacdiyo Maxamed Maxamuud ayaa lagu soo waramayaa in xalay saqdii dhexe ay gurigeeda ugu dheceen laba nin oo bastoolado ku hubeysan kadibna ay dileen.

Guddoomiyaha Degmada Mahaddaay Axmed Xuseen Afrax oo la hadlay Samawade.so ayaa xaqiijiyay dilka Hooyo Sacdiyo, isagoo sheegay in ay aheyd Marwo aan wax Siyaasad ah lug ku laheyn, balse kooxda Xagjirka Al-shabaab ay Caadeysteen dilalka bareerka ah ee ay kula kacayaan qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY